Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Xasan Daahir Aways

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ka haday waxa ay dawladiisu ka yeelayso wadaadka u xidhan ee Xasan Daahir Aways.

Nuqul ka mid ah Wareysiga Madaxweyne  Xasan Sheeekh Maxamuud oo u warramayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da,ayaa sheegay inay wali aadhitaan ugu hadhsan tahay arrinta Xasan Daahir Aways isla markaana ay dawladdu go,aan ka gaadhi doonto marka ay baadhitaanka dhamaystaan.

”wali Baaritaan ayaan ku haynaa arinka Xasan Daahir Aways waana la baarayaa oo dawlada Baaris ayaa ugu dhiman Markii baaritaankaasi dhamadona waxaa cadaanaysa sida laga yeelayo”

Dawladda Soomaaliya,ayaan weli go,aan ka gaadhin xadhigga Sheekh Xasan Daahir Aways oo muddb  badan ugu xidhnaa magaaladda Muqdisho ka dib markii uu ka soo fakaday kooxda Al-Shabaab

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland