Dawladda Soomaaliya oo weerar qorshaysan ku qaadaysa Xarunta ugu weyn saldhigyada Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):-  DDawladda Soomaaliya,ayaa qorshaysay weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado saldhig  ka mid ah saldhigyada kooxda Al-Shabaab,kaasoo ah magaalo xeebeedka Baraawe ee koonfurta Soomaaiya.

Ciidammadda AMISOM eek u sugan magaalada Baydhaba iyo kuwa dawladda Soomaaliya,ayaa la sheegay inay toos ugu dhaqaaqeen  magaaada Baraawe,halkaaso oo ay sheegeen inay ka xoraynayaan kooxda Al-Shabaab  oo imika ku sgan.

mmmmmmsaom

Saraakiisha dawladda  Soomaaliya,ayaa sidoo kale, sheegay in magaalada Xeebta leh ee Baraawe, gobolka Shabeeaha Hoose, ay ku qaadi doonaan weerar qorsheysan oo lagu doonayo in gabi ahaan Kooxda Alshabaab lagaga fara-maroojiyo Deegaankaasi.

Saraakiisha, ayaa Tilmaamtay in dagaalka iyo dib u xoreynta magaalladaasi, ay ka qeybqaadan doonaan Ciidamadii Dowladaha, Uganda iyo Burundi ee laga soo celiyay magaalada Baydhabo, waxaayna sheegeen in iminka ay ku jiraan qabanqaabadii ugu dambeysay ee weerarkaasi lagu fulin lahaa.

Dhanka kale,Saraakiisha Millitariga Ciidamada DFS iyo AMISOM ayaa dejinaya Qorsheyaal kale oo ay ugu diyaar garopbayaan Weerarro dhowr jiho  ah oo dagaal  lagaga furayo Kooxda Al- Shabaab, ee ku kala sugan Koonfurta, Badhtamaha iyo Galbeedka dalka Soomaaliya

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab,ayaa la sheegay inay ku jirto diyaar garaw dhankooda ah isla markaana ay gaadiid dagaal oo tiro badan isugu keeneen magaalada Baraawe isla markaana  waxay sheegeen Al-Shabaab dhankooda inay difaacanayaan magaalada ay ku sugan yihiin ee Baraawe isla markaana ay qabsan doonaan magaalooyin kale oo ay Baydhaba ugu horraysao.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.