Somaliland oo waxaan dhici karin ku tilmaantay in wadahadallada soo socda Hargeysa ama Muqdisho lagu qabto

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis..Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaan dhici karin, isla markaana aan suuragal ahayn ku tilmaantay in wejiga lixaad ee wadahadallada soo socda ee ay la leedahay Soomaaliya lagu qaban doono magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho midkood, sida uu dhawaan saadaaliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

1502033_632266723499774_1156488680_n

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo hoggaaminayey Ergadii toddobaadkii hore Somaliland u metelayey Shirkii wadahadalka ay Soomaaliya kula yeesheen magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga oo laga soo saaray heshiis sagaal qodob ka kooban.

“Waxa igu maqaalo ah in dawladda Muqdisho ay yidhaadheen wadahadallada dambe waxa lagu qabanaya Muqdisho iyo Hargeysa. Markaa, taasi kumaannu heshiinin mana dhacayso, mana suurta-gelayso in ay Hargeysa yimaadaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiir Maxamed Biixi oo warbaahinta shalay kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo aan doonayaa in aan dadka u sheego Somaliland talo ay gaadhay ayay samaysay oo ah in ay gaar isu-taagto, shacbigaana sameeyay cid ka noqonaysaana ma jirto, yaan la isku wareerin wax Xamar laga yidhaahdo ee teenna uun aynu wadanno.”

“Dadkeenuna waa in ay ogaadaan in aynu nahay ummad jirta oo joogta, maantana shaqaynaysa cid aynu u daba fadhiisanaynaana ma jirto gooni-isu-taaggeenna.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore sheegay inuu rejaynayo in wejiga lixaad ee wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo toddobaadkii hore lagu heshiiyey in 45 cisho gudohood lagu qabto aanay jirin wax diidaya in lagu qabto Caasimadaha Soomaaliya iyo Somaliland ee Muqdisho iyo Hargeysa midkood, hase-yeeshee, hadalkan Wasiir Biixi ee shalay, ayaa u muuqda mid rejadaas meesha ka saaraya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.