Somaliland oo laga bilaabayo Hawlgal lagu tallaalayo Afar Milyan oo Neef

Hargeysa(Aftahannews):- Afar Milyan oo Neef oo Xoolo ah, gaar ahaan Riyo ah oo ka tirsan Xoolaha dalka Somaliland ku dhaqan, ayaa laga tallaalayaa nooc ka mid ah cudurrada Riyaha sida gaarka ah ugu dhaca, waxaana bilaabmaya hawlgal Xoolaha intaas le’eg lagu tallaalayo oo gobollada iyo degmooyinka dalka ka socon doono muddo laba bilood iyo 7 maalmood oo xidhiidh ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Riyo

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland oo maanta dhowr kooxood u kala dirtay gobollada dalka, ayaa sheegtay inuu Somaliland ka bilaabmayo Tallaal la siin doono 4 Milyan oo Neef, kuwaasoo laga talaalayo cudurka Sombobka ee ku dhaca Adhiga, gaar ahaan Riyaha.

Cabdi-aw-Daahir112

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo Warbaahinta la hadlay maanta markii ay dirayeen Kooxaha Caafimaadka Xoolaha ka hawlgalaysa, ayaa faahfaahiyey shaqada kooxaha ay dirayaan iyo muddada tallaalka Xooluhu soconayo, waxaanu sheegay inay hawshaasi socon doonto laba bilood iyo toddoba cisho oo xidhiidh ah.

“Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay gacansiinayso Hay’adda FAO waxay gobollada dalka u diraysaa shaqaale ka hawlgalaya oo tallaalaya cudurro halis ku ah Xoolaheenna ama kobocooda halis ku ah ama iib-geyntooda halis ku ah. Cudurkaa waxa laga tallaalayaa Afar Milyan oo Neef, waana cudurka u gaarka ah Riyaha, waxaana baxaya shaqaale dhan 100 qof iyo Isu-duwayaasha gabolladaa iyo Xidhiidhiyaasha kormeeraya hawshaa, waxaanay hawshaasi soconaysaa 67-Cisho oo joogto ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiir Cabdi Aw Daahir waxa uu farriin u diray Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee reer Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaannu ku boorinaynaa dadwaynaha xoolo dhaqatada ah inay gacan siiyaan shaqaalaha caafimaad ee tallaalaya ama u daweynaya Xoolahooda.”

Waxa uu Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali baaq u diray Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, isla markaana waxa uu u soo jeediyey inay soo dhaweeyaan oo ay gacan-siiyaan, lana shaqeeyaan Shaqaalaha ka hawlgalaya deegaannadooda ee Tallaalaya Xoolaha.

Aftahannews.com

Email.nuuraani90@gmail.com

Hargeysa/Smaliland.