Muqdisho(Aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa diiday, isla markaana ku gacan-saydhay go’aan ka soo baxay Guddiga doorashada Soomaaliya oo ku saabsanaa qaabka soo xulista Xildhibaannada ka imanaya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Salaasadii Maanta, ayuu ku sheegay in go’aan ka gaaadhidda goobta lagu qabanayo doorashada Xildhibaanadda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay tahay mid u talla Dowladda Federaalka. “Go’aan ka gaadhidda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh/ Dhexe waa mid u talla Dowladda federaalka Soomaaliya.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cumar Cabdirashiid..
Ra’iisal-wasaare Sharmaarke waxa uu sheegay in Guddiga Doorashadda dadban looga bahan yahay uun in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2-da Gobol ee Hiiraan iyo Shebellaha Dhexe Odayaasha Saxeexayaasha Xildhibaannada cusub oo ay tiradoodu dhan tahay 135.
Ra’iisal-wasaare Sharmaarke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan Odayaasha dhaqanka ee ugu jira goboladda Hiiran iyo Sh/Dhexe 135 oday uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.