“Xildhibaan Nacnac waxaan leeyahay Nin-ba Ceesaantii Ceel-keentay..” Gaasira Ismaaciil

Hargeysa(Aftahannews):- Hooyo Gaasira Ismaaciil Xandule,oo ah hooyada dhashay Abwaan Jaamac Riyo,ayaa jawaan kuluul ka bixisay hadal dhawaan ka soo yeedhay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo aflagaado aanu u meel dayin ay sheegeen inuu kula kacay qoyska uu ka soo jeedo Abwaan Jaamac Riyo, waxaanay dhamaantood ka dhawaajiyeen inay ka xun yihiin inuu xildhibaanku,isaga oo masuul qarana waxa ka dhaxeeya Abwaan Jaamac Riyo uu kula soo gal-gasho qoyska uu Abwaanku ka soo jeedo,taas oo ragganimadiisa wax u dhimeysa.

Hooyo Gaasira Ismaaciil Xandule oo waxay sidaa ku sheegay mar maanta khadka telefoonka ugu Waramaysay Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Bahda Shabakada Hadhwnaaagnews,

Ugu horeyn, waxaanu weydiinay Hooyo Gaasira Ismaaciil Xandule waxay cabashadeedu tahay ee ay ka hadlayso, waxay ku jawaabay oo ay tidhi “Ninkaasi waa nin iska hadlay weeye,waxaanan u sheegaya inuu Abwaanku yahay wiilkaygii,waana curadkaygii,habayataare wax biila oo uu ii diiday iyo mid layga soo baryeytoona ma jirto, lacag Jaamac lahaa oo aniga laysiiyey iyo mid aan ku ashkateeyey-toona ma jirto, waxa aan ku tiirsanayna waa isaga iyo ILAAHAY, wixii deeqa ee uu I siiyana Nacnac iyo cidd kale-toona kama masuula ah iinnaa soo marin-maayo”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Haddaba, waxaan leeyahay waxa isaga iyo inankayga ka dhaxeeya waa meeshooda, aniga oo aynigaasa oo sodoha ninka igu soo qorey joornaalada,arrintaasi maaha mid sahlan ee rag ayaa ka wada-hadli doona”.

Waxa kale. oo iyaduna ka hadashay arrintaasi Shabca Faarax Axmed oo ay Abwaanka Walaalo yihiin,waxaanay tidhi“Waa gef noogu-dhacay qoys ahaan,oo Abwaankana ugu dhacay Xildhibaan ahaan,qoyskagaya iyo Walaalkay isku-tiirsanaan-tooda iyo biilashooda,iyo hooyaday waxa Joornaalka keenay ee Xildhibaan Nacnac ugu baahiyey,waxaan u soo bandhigaynaa inay umadda reer Somaliland ay ka gar-naqdo”.

Maxamuud Faarax Axmed oo ay walaalo yihiin Abwaan Jaamac Riyo ayaa isaguna ku tilmaamay arrintaasi wax laga xumaado,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Nacnac waanu isaga imanaynaa arrintaas,kuna laddi-maayo soo bandhigista iyo joornaal-geynta hooyaday”.

Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo isna arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku soo koobaya jawaab-celinta Xildhibaan Nacnac sadex qodob, murti Soomaaliyeed ayaa waxay odhanaysa nin-ba Kaskiibu kor tagaa, si kale hadaynu u dhigno ‘Nin-ba Ceesaantii Ceel-keentay,hadaynu soo qaadano tuduc ka mida Heestii ay qaadi jirtey Fanaanadii weyn ee Alle ha u naxariiste Xaliimo Khaliif Magool ayaa waxay odhaneysay:

“Nin Qun loo Abuuro                                                                        

Qurux loo dhameeya

Ka Qalaalan Hoosto

Qawadaa Hadhowte

Waa Qeyb Adduunoo

Qofna laysma Raacsho”

Muuqaalka iyo aragtida duleed kuma qiimeyn kartid qofka bini’aadamka ah, waxase aad ogaanaysa oo aad miisaankiisa heleysa, marka uu ku soo bandhigo mucdiisa hadal maddal ama golle.Miisaanka Nacnac waxa inagaga filan ereyada uu u isticmaalayo warbaahinta ee uu hooyooyinka xumaha ka caagan iyo sodohaha uu keenayo warbaahinta.Waxa uu ka dhigan yahay ama uu la macno yahay midhaha Heesta ee ah ‘Qurux loo dhameeyo,Ka Qalaalan Hooste”,Waxa kale oo aynu odhan karnaa dhaqamadiisa iyo tabcooyinkiisa waa wax inagu cusub waayo inamay soo marin Siyaasi, Siyaasi jecel”

Abwaan Jaamac Riyo waxa uu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey oo uu yidhi“Waxa saaqday Xildhibaan Nacnac muxubadda Siilaanyo.Waxa uu caddadkii 2171aad ee Wargeyska Ogaal ku soo baxay, kuna taariikheysna 16/1/2014  ereyo ay ka mid yihiin “Lacag ayuu ku doonayaa Heesta, lacagta uu doonayana waatii hooyadii qaadatay ee ku ashkateysay”,taasi waa arrin gaara oo laga wada-hadli doono,waxase is-weydiin leh, haddii ay tahay tu aan lacag ku doonayo‘Heesta’ ma Nacnac ayaan kaga doonayey? Haddiise aan ahay laaluush qaate tii aan ku dhaliilay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaan kaga qaadan lahaa laaluush. Dhaliisha iyo toosinta waxa I faraya dareenkayga mu’alifnimo waanay soconaysa dhaliishaydu ilaa inta ay toosini imanayso, haddii ay dhiikar ku riday Heestayda ‘Soo-daataa’ waxaan ku sheegayaa inay sadex kale oo heesood ay wiigan soo socda soo bixi doonaan”.

Mustafe –jannaale

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com