Dawladda Turkiga oo qaraar adag ka soo saartay dadka Muddaharaadyada ku dhaawacma

Ankara(Aftahannews):- Madaxwaynaha dalka Turkiga Abdallah Gul, ayaa saxeexay sharci cusub oo dhawaan la soo saaray, kaasi oo mabnuucaya in dhakhaatiirtu daaweeyaan ama gargaar u fidiyaan dadka ku dhaawacma Mudaharaadada dalkaasi ka dhaca.

Turki

Sharciga cusub ayaa u diidaya in dhakhaatiirta ama shaqaalaha kale ee caafimaadku ay gargaar u fidiyaan qofka ama dadka dhaawacyadu ka soo gaadhaan Mudaharaadada lagaga soo horjeedo xukuumadda Raysal-wasaaraha dalka Turkiga.

Sida uu Wwarbaahinta u sheegay Madaxa Dhakhaatiirta hawlaha bani-aadaminimo ee Turkiga, Dr. Vincent lacopino “Go’aankan waa mid fool xun, waxaanu ka hor imaanayaa sharci kale oo dhakhtarku dambi ku gelayaan, kaasi oo ah haddii aani daaweyn qof daawo u baahan” ayuu yidhi Dr. Vincent

Sharcigan cusub ayaa dhakhtarka ku dhaqmi waaya waxa uu muteysanayaa ilaa saddex sanadood oo xadhiga ah iyo ganaax lacageed oo gaadhaya ilaa 100.000 doollar.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.