Dowladda Maraykanka oo Warbixin ka soo Saartay Saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dilay Soomaaliya

MARAYKANKA OO KA HADLAY SARAAKIIL AL-SHABAAB ka tirsna LAGA DILAY 2016
Dowladda Maraykanka, ayaa ka hadashay Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo lagu laayey dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay War ka soo baxay Taliska Ciidammada Millateriga Maraykanka ee waddanka Jarmalka.
MARAYKANKA OO KA HADLAY SARAAKIIL AL-SHABAAB ka tirsna LAGA DILAY 2016
MARAYKANKA OO KA HADLAY SARAAKIIL AL-SHABAAB AH LAGA DILAY 2016
War ka soo baxay Xafiiska Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika ee magaalada Stuttgart ee waddanka Jarmalka, ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu soo gebagabeeyay qiimeyn uu beryahan ku waday weerarro dhawaan ka dhacay Soomaaliya oo lagu beegsaday Saraakiil Sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Waxaana Warkan lagu sheegay in 27-kii bishii May ee sannadkan ay Ciidammada Mareykanku duqeyn ku dileen Cabdullaahi Xaaji Daa’uud, oo ka mid ahaa Saraakiisha Sare ee Malleeshiyada Al-Shabaab.

Hase-yeeshee, Warbixintan Maraykanku soo saaray laguma sheegay halka saxda ah ama goobaha rasmiga ah ee uu lagu bartilmaameedsaday ama ay ka dhaceen weerarradaas Maraykanku sheegay inay ku laayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Balse, waxaa lagu sheegay inuu ka dhacay Deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo Badhtamaha waddanka Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay Al-Shabaab Saldhigyada ku leeyihiin.

Warbixintan ka soo baxday Taliska Millateriga Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee ku yaalla waddanka Jarmalka, waxaa lagu sheegay in 31-kii bishii May ee isla sannadkan 2016-ka howlgal ay hoggaaminayeen Cutub ka mid ah Ciidammada Millateriga Soomaaliya lagu dilay Maxamed Dulyadeen, oo loo yaqaannay Mohammed Kuno iyo Kuno Gamadere.

Taliska Ciidammada Maraykanka ee Warkan soo saaray, ayaa sheegay inuu xaqiijiyay in Maxamed-Kuno lagu dilay weerarkaas ay Maraykanka iyo Soomaaliya Ciidammadoodu wada-jirka u fuliyeen oo ka dhacay Tuulada Buula-guduud ee gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan ku kalsoonnahay in labadan Hoggaamiye ee sare ee laga dilay Ururka Argaggixisada ah ee Al-Shabaab ay Baajin karto weerarro dhaw oo ay Kooxdu qorsheeyso.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Warbixinta Taliska Ciidanka Maraykanka Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Jarmalka.

Waxaanay Warbixintu intaas ku dartay oo lagu yidhi; “Waxa dilkani yahay mid muhiim ah, isla markaana ay badbaadin karto nolosha dad badan oo aan waxba galabsan.” Sidoo kale, waxaa lagu sheegay Warbixintan inay dowladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an taageerista dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidammada dowladda iyo Ciidammada Midowga Africa, sidii looga adkaan lahaa Kooxda Al-Shabaab, isla markaana Soomaaliya looga dhigi lahaa meel nabdoon oo xasilloon.” sidaa ayaa lagu yidhi Warbixintaas ka soo baxday Xafiiska Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika ee magaalada Stuttgart ee waddanka Jarmalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.