Wararkii ugu dambeeyey ee Tirada Dadka Roobabku ku Dileen Degmada Dila ee Gobolka Awdal

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Dila(Aftahannews):- Ugu yaraan inta la xaqiijiyay 7 qof, ayaa ku geeriyoodey roobab caawa fiidkii ka curtay degmada Dilla oo ka tirsan degmooyinka gobolka Awdal oo ka mid ah gobollada ay Abaarta Somaliland ka jirtaa sida ba’an u saamaysay dad iyo duunya-ba.

BREAKINGNEWS

Khasaarahan nafeed iyo mid adduunyo oo guryo badan oo qaaday, ayaa la sheegay inuu ka dhashay daad ka soo fatahay dhaam-biyood ku yaal dulleedka maaalada, kaasoo ku soo rogmaday magaalada islamarkaana qaaday dad iyo guryoba.

Ma jiraan masuulliyiin ka hadlay khasaaraha dhabta ah ee roobkan oo illaa caawa ka da’aya magaalada Dilla uu geystay, haseyeeshee dad ku sugan magaaladaas oo Berberanews.com xidhiidh la sammaysay, ayaa xaqiijiyay in illaa immika la hayo maydka 7 qof oo Rag, Dumar iyo Carruur-ba isugu jira, iyagoo intaas ku daray in khasaaraha dhimashadu intaas ka badanyahay.

Dadka ka badbaaday khasaaraha fatahaadda ayaa wararku sheegeen inay geedaha saaranyihiin oo guryahoodii uu Daadku qaaday. Deegaannada gobollada Awdal iyo Selel, ayaa ka mid ah meelaha ay Abaarta Somaliland ku habsatay sida ba’an u saamaysay.

Xigasho Berberanews.com.