12 Qarax oo Gilgilay Magaalada Baardheere iyo xaddiga Khasaaraha ka dhashay

12 QARAX OO KA DHACAY BAAR-DHEERE

Baardheere(Aftahannews):- Ugu yaraan 2 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxyo maanta ruxay degmada Baardheere ee gobolka Geod. 5 qarax oo miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamada Ethiopia oo marayay gudaha degmada, sida ay VOA Baahisay.

12 QARAX OO KA DHACAY BAAR-DHEERE
12 QARAX OO KA DHACAY BAAR-DHEERE

Salaad Maxamud Xasan oo ah taliyaha booliska ee Baardheere, waxa uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay in weerarka lala eegtay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi.

Qofka shacabka ah ee dhintay ayuu ku sheegay, cunug yar oo dugsi quraan dhiganayay. Wuxuuna intaa raaciyay in ugu yaraan 20 qof ay u qabteen dhacdadaasi welina ay baarayaan.

“Dadka waan baareynaa qofkii lagu waayo dembina waan siideyneynaa” ayuu yiri Salaad Turuq, taliyaha saldhigga booliska ee Baardheere.

Sida dadka deegaanka ay BBC-da u sheegeen, qaraxyada kaddib ciidamadii la bartilmaameedsaday waxay fureen rasaas.

Goobaha la qarxiyay waxaa kamid ah meelo ay ciidamada difaac ka geli jireen. Gaari booyad ah oo biyaha u qaada ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale la qarxiyay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.