Berbera: Daawo Xukuumadda Somaliland oo Shaacisey Tirada Dablay la qabtay & inta la raadinayo

Berbera(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka ay Ciidammada Qaranka iyo Boolisku gacanta ugu soo dhigeen siddeed nin oo uu sheegay inay ka tirsanaayeen 11 Nin oo hubaysan oo ku eedaysan dilka Taliyihii qaybta Booliska gobolka Saaxil Marxuum Casayr oo Salaasadii dorraad Koox Hubaysani ku toogteen deegaanka Biyooley oo isla gobolkaas ka tirsan.

Wasiir Waran-cadde oo caawa Shir Jaraa’id ku qabtay Guriga Madaxtooyada magaalada Berbera, ayaa sheegay in siddeedda Nin ee gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ahi Dhaawac yahay, isla markaana ay Ciidammadu ku daba-jiraan saddex Nin oo kale oo mid ka mid ahi aanu hubaysnayn oo uu Qorigiisii ka cararay, halka labada kale ay sitaan Qoryo.

Haddaba, Faahfaahinta uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ahaa Masuuliyiintii habeen-hore gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil markii dilku dhacay Salaasadii ka dib, waxaannu Hadalkiisa oo dhan idiin ku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.