Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Cuna-qabatayn Culus ku soo Rogay Kuuriyada Waqooyi

DANJIRAYAASHA QARAMADA MIDOOBAY U FADHIYA DALALKA MARAYKANKA IYO JAPAN

New York(Aftahannews):- Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa meel mariyay Arbacadii shalay cuna-qabateyn adag oo cusub, taasoo la saarayo Kuuriyada Waqooyi, ka dib Tijaabinteedii Gantaaallada riddada dheer iyo Nukliyer.

DANJIRAYAASHA QARAMADA MIDOOBAY U FADHIYA DALALKA MARAYKANKA IYO JAPAN
DANJIRAYAASHA QARAMADA MIDOOBAY U FADHIYA MARAYKANKA IYO JAPAN

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay M. Samantha Power, ayaa Golaha Ammaanka ee u sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dalka kaliya ee tijaabiyay hub Nukliyer ah qarnigan 21-aad.

Waxay ku eedeysay maamulkaasi inuu diiradda saarto hubkiisa Nukliyerka, iyo gantaalladeeda riddada dheer, halkii uu wax ka qaban lahaa oo ka fakari lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi ay qabaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay tallaabada cusub ee cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweye Barack Obama, ayaa sheegay in bulshada caalamka iyagoo ku hadlaya hal cod ay fariiin u direen Pyongyang, waxana uu ugu yeerey maamulkaasi in uu joojiyo barnaamijyada halista ah oo ay waddo wanaagsan u dooraan dadkooda.

Xigasho VOASomali.com.