Faahfaahinta Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac badan sababay oo ka dhacay Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb(Aftahannews):- Ugu yaraan 15 Ruux, ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib dagaal culus oo magaalada Dhuusa-mareeb ku dhaxmaray Xoogagga Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna iyo Malleeshiyaad daacad u ahaa Sarkaal kasoo goostay Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

DHUUSAMAREEB EHLU-SUNNA WAL-JAMEECA

Afhayeen u hadlay Maamulka Gobollada Dhexe oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow, ayaa Warbaahinta u sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Magaalada oo dhan, waxaana uu intaa ku darray in ay qabteen isaga oo dhaawac ah Liibaan Madaxweyne oo ah hogaamiyaha xoogagga kasoo horjeeda Ahlu Sunna Waljameeca.

Ruux shacab ah oo ku sugan Dhuusa-mareeb, ayaa isna u sheegay Warbaahinta inay xaalad adag oo dhinaca nolasha ahi ka jirto magaalada, madaama ku dhawaad 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay shacabku awoodi waayeen inay gurahooda ka soo baxaan, iyagoo ka cabsi-qaba wax yeello ka soo gaarta dagaalka.

MUUQAALKA MAGAALADA DHUUSAMAREEB
MUUQAALKA MAGAALADA DHUUSAMAREEB

”Hadda xaaladda waa mid deggen, laakiin wali baqdin ayaa jirta, oo mar marka qaar waxaa la maqlayaa Rasas goos-goos ah, Dadkuna guryahooda weli kama soo bixin karaan, Waxay cunaan ma heystaan, biyaha magaalada way go’an yihiin, Qof walba Guriga ayuu ku Xiran yahay,” ayuu yiri qofka rayidka ah ee la hadlay warbaahinta sida lagu faafiyey Shabakadda Hiiraan.com oo aannu Warkan qoraalka ah ka soo xigannay.

Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobollada Dhexe ayaa ku eedeeyay Dagaalkan in ay soo Abaabushay Dowladda federaalka Soomaaliya; iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay dowladd federaalka Somalia ka bixisay eedeynta ay u soo jeedisay Ahlusunna Waljameeca.

Dhanka kale, Marka laga soo tago sheegashada Ahlusuna ee ah inay si buuxda Gacantooda ugu jirto guud ahaan Dhuusa-mareeb iyo Qabashada sarkaalkii Hoggaaminayay Xoogagga Dagaalka la galay Ahlusunna, Haddana illaa hadda ma jiraan Warar kale oo Madax-banaan oo arrimahaa ka hadlaya.

Liibaan Madaxweyne oo ah sarkaalkii Dowladda Soomaaliya u Qaabilsanaa Amniga Shir-weynihii lagu soo dhisay Maamulka Galmudug ayaa Sannadkii hore kasoo goostay isagoo watta tiro gadiidka dagaalka ah degmada Cadaado, waxaana uu waqtigaa sheegay in uu ku soo biiray maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

Ugu dambeyn, bilihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhaxeeyay maamulka Ahlusunna Waljaamaca iyo Sarkaalkaan oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoo ugu danbeyntiina uu dagaalka ka dhax qarxay labada dhinac.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA DHAQDHAQAAQA DAGAAL IYO WARARKII U DAMBEEYEY EE XAALADDA DAGAALKA DHUUSAMAREEB KA DHACAY ARBACADII MAANTA.