Daawo: Dowladda Jabuuti oo ku guul-darraysatay Dacwad ay 4 Sano ku wadday Cabdiraxmaan Boore

Madaxweyne Geelle iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore

London(Aftahannews):- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ku guul-darraysatay Dacwad Afartii sannadood ee ugu dambaysay ay u haysatay Ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boore iyo Shirkadihiisa uu gaarka u leeyahay.

Madaxweyne Geelle iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore
Madaxweyne Geelle iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore

Maxkamad ku taalla magaalada London ee waddanka Britain, ayaa go’aan ka soo saartay Dacwad u dhexaysay dawladda Jabuuti iyo Ganacsadaha Cabdiraxmaan Boore oo ah Madaxii hore ee Maamulka Dekedaha iyo Soonka Xorta ah ee Jabuuti, taasoo afartii sannadood ee u dambeeyey ka socotay Maxkamaddaas, isla markaana lacag lagu sheegay Sagaashan Milyan oo Doollar ku baxday.

Maxkamadda, ayaa amartay inaan waxba ka jirin Dembiyada ay Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ku oogtay Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka mabnoocay inuu soo galo dalkiisa.

Waxay Maxkamaddu go’aamisay in Cabdiraxmaan Boore lagu waayey eedaha ay dowladda Jabuuti u haysatay oo la xidhiidhay Musuqmaasuq iyo Lunsi Hanti          Qaranka Jabuuti leeyahay muddadii uu ahaa Madaxa Maamulka Dekedaha iyo Soonka xorta ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo weliba abaabulka Jabhado ka horjeeda Dowladda Ismaaciil Cumar Geelle. Hase-yeeshee, Maxkamaddu waxay caddaysay in eedahaas loo waayey wax caddaymo ah, sidaas awgeedna uu bilaa dembi yahay Ganacsade Boore.

Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo Codsiyo uu Madaxweynaha iyo dowladda Jabuuti ugu jeediyey inay Dacwaddaas oo kharash badani dhinac walba kaga baxay in la joojiyo sannadkii hore, balse aan dheg loo dhigin, ayaa go’aankaas Maxkamaddu gaadhay ka dib Maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Cabdiraxmaan Boore oo sharraxaya heerarkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Dacwaddani soo martay, ujeeddada ay dowladda Jabuuti ka lahayd, sida ay ugu guul-darraysatay eedaymaha ay ku haysatay iyo guusha uu gaadhay-ba ka warramaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.