Shirka Ammaanka Dunida oo furmay, Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalay & Doorka Soomaaliya

SHIRKA AMMAANKA DUNIDA EE MAGAALADA MUNICH EE GERMANY

Munich(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa ka qaybgalay Shirka Ammaanka iyo Xasaradaha dunida oo ka furmay magaalada Munich ee waddanka Jarmalka.

SHIRKA AMMAANKA DUNIDA EE MAGAALADA MUNICH EE GERMANY
SHIRKA AMMAANKA DUNIDA EE MAGAALADA MUNICH EE GERMANY

Shirkan oo Sabtida Maanta ka furmay Munich, ayaa ah kii 52-aad ee la qabto, waxaana ka qayb-galay ugu yaraan 30 Hoggaamiye oo dalalka dunida isaga kala yimi iyo weliba Wasiirrada arrimaha dibedda u qaabbilsan 70 dowladood oo kala duwan. Waxaa inta shirku u socdo lagu falanqayn doonaa sida wax looga qaban karo dalalka Colaaduhu ka jiraan, kor u qaadista ammaanka waddamada dunida iyo weliba la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada colaadaha abuura.

Qodobbada Muhiimka ah ee Shirkaan lagaga hadlayo, waxaa ka mid ah xasilloonida dalalka ka Hooseeya Saxaaraha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, Qoxoontiga ku qul-qulaya Qaaradda Yurub, Dagaalka dalka Suuriya iyo weliba adkaynta nabadgelyada Yurub.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlayo arrimaha Ammaanka Soomaaliya, heerka uu wakhtigan marayo, waxa la higsanayo iyo taageerada ay Soomaaliya caalamka uga baahan tahay ee dhinaca adkaynta nabadgelyada iyo la-dagaallanka argaggixisada.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xubno kale oo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka tirsan, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku weheliya Safarkan uu ku joogo magaalada Munich ee waddanka Jarmalka ee ay kaga qaybgaleen Shirkaas.

Muddada uu socdo Shirkan ka furmay Munich, waxaa la sheegay in lagu bar-bar qaban doono Shir kale oo lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa awoodda dawladaha ka dhisan dalalka ay Colaaduhu ka jiraan ama dagaalladu ka socdaan iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka jira ama ay ku tallaabsadeen dawladaha dalalkaas diiradda lagu saarayo shirkan ee ay Soomaaliya ka midka tahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.