Musharraxiinta Isbahaystay oo si adag uga hadlay Shirka Muuse Biixi iyo Saylici lagu doortay

Hargeysa (Aftahannews) – Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE ee qaadacay Shirkii Golaha dhexe oo maanta lagu soo gunaanaday Huteelka Maansoor ee Hargeysa, ayaa Sharci daro iyo boob ku sifeeyay doorashadii Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga oo ay ku soo baxeen Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Isbahaysigaa

Musharraxiintan oo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo Saxaafaddu Maanta waydiisay siday u arkaan qabsoomidda Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE iyo labada Musharrax ee lagu doortay, ayaa sheegay in aanay Shirk u tilmaami karin, hasa-ahaatee uu ahaa Madal lagu wiiqay hannaanka dimuqraadiyadeed ee Shacabka Somaliland muddada dheer soo dhisayeen, maadaama bay yidhaaheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hore  u sheegay inuu dhex u yahay Musharraxiintu uu ka codeeyay Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo Musharrax Madaxwayne ku-xigeen u tartamayey isla-markaana uu u codeeyay Saylici oo hadda ku xigeenkiisa ah.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ka mid ah Musharraxiinta Isbahaystay ee qaadacay Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE Maxamed Biixi Yoonis, oo ugu horeyn la hadlay Warbaahintu waxa uu yidhi, “Waxaanu idiin sheegayaa in waxa halkaa ka dhacay ahaa Shir boob ah oo aan Caddaalad ahayn, waxaanu u aragnaa in shirkaa lagu burburiyey wixii shacabka Somaliland sanadaha badan u dagaalamayeen.”

Maxamed Biixi oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Waxaad arkayseen Dr. Xaglo-toosiye oo Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka u tartamayey in codkiisii si cad loo boobay oo tiradii la khalday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in xubno ka mid ah Golaha dhexe ee KULMIYE kaadhadhkoodii la koobiyeeyay, “Xubno ka mid ah Golaha dhexe oo annaga nala joogay ayaa kaadhadhkoodii la koobiyeeyay, markaa boob cad buu ahaa Shirku.”

Musharraxu waxa kale oo nasiib daro ku tilmaamay in Madaxweynuhu uu ka codeeyo Saleebaan Xaglo-toosiye waxaanu yidhi, “Waxa nasiib daro ah in Madaxwaynaha oo dadka u sheegay inuu dhex u yahay (Musharraxiinta) uu haddana Gacanta u taagay Saylici oo uu ka codeeyay Wasiirka Caafimaadka, markaa doorashadaasi ma jirto.”

Isbahaysigaa

Mr. Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ka xumaaday oo Muuse Biixi oo Musharrax Madaxweyne loo doortay uu si gaar ah u soo hadal qaado isaga iyo Samaale isla-markaana aanu xusin Kijaandhe, “Annagu Qabyaalad ma aaminsanin, laakiin waxa nasib daro in Musharaxu yidhi labada nin ee Ilmaadeeradey ah waan u tagayaa, markaa Saaxiibkay Kijaandhe waan ka raali-gelinayaa fadeexaddaa meesha ka dhacday. Waddanku wuu ka gudbay Qabyaaladda oo Waddanku waa Dimuqraadiya annaguna Musharraxiin wada siman baanu nahay, laakiin meesha kumay jirin inaanu labadayada Carabta ku dhufto oo uu yidhaahdo isku reer baanu nahay markaa aad iyo aad baanu uga xunnahay haddaanu nahay Musharraxiinta waanuna ka raali-galinaynaa Xildhibaan Kijaandhe iyo beeshiisaba nasiib daradaa ku dhacday.”ayuu yidhi.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isaguna sheegay in Go’aanka Musharraxa Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi uu ahaa wax ay sii ogaayeen, “Go’aankii ka soo baxay Maansoor waxaanu sii arkaynay oo aanu hore u sii sheegnay ayuu ahaa, wax inuu sidaas u dhacayo aanu arkaynay ayuu ahaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Musharaxiintayadani waanu qaadacnay xataa haddaanu tagi wayno inaan la joojinayna waanu sii sheegnay, ciddii in loogu dhawaaqi doono aanu sheegnayna waa loogu dhawaaqay.”

Musharrax Samaale waxa uu sheegay in aanay aaminsanayn isla-markaana jirin Musharrax Madaxwayne iyo Madaxwayne ku-xigeen Sharciya oo la doortay, “Anagu go’aanka halkaas ka soo baxay mid sharci darro ah oo xaaraan ah inuu yahay ayaanu u aragnaa. Waxaanu u aragnaa Musharax Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen oo Kulmiye ah oo la doortay inaanay jirin ee ay tahay waddo sharci darro ah oo la jeexay oo aanu ka sii dignay. Waxaa Shalay (Doraad) dhacay wax Allaale iyo wax uu mawqifkayaga ka beddelayaa ma jiro, sidii baanu Kulmiye u nahay, sidii baanu Musharaxiin u nahay, sidii baanu ugu taaganahay Caddaaladda dalkan iyo dadkani inay sugmaan.”ayuu yidhi.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo isaguna ka mid ah Musharraxiinta Isbahaysiga KULMIYE, waxa uu sheegay in Somaliland dib loogu celiyey raadadkii keli-talisnimo ee ay ka soo dagaalantay maadaama oo buu yidhi qori caaradii loogu codeeyay Musharraxiinta lagu doortay shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, “Raadkii Somaliland ka soo dagaalantay Siddeetamaadkii ee Keli-telisnimada ahaa ayay dib ugu noqotay Maanta, Markaa Somaliland loo duceeyo, waxaana kuu caddeynaya Maalintii uu Maansoor ka socday wixii Shirka lagu tilmaamay Magaaladu bandoo bay ahayd iyo Qori-caaradii. Dadkii Shirka fadhiyey marka saddex loo qaybiyo meel baa ahayd Shaqaale-dawladeed wixii meesha fadhiyeyna qori caaradii bay ku codeeyeen.”

Kijaandhe in qori caaradii lagu codeeyay uu markhaati uga dhigay mid ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe oo ka qayb-galay Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE iyo wixii ku dhacay, waxaanu yidhi, “Ninkan Buraale wuxuu ka mid ahaa dadkii codeynayey laakiin si uu Saylici ugu codeeyo kaadhkiisii Faraha ayaa lagaga burburiyey si uu Saylici ugu codeeyo (waa lagu khasbay). Midda kale, Xeerka Xisbiga KULMIYE wuxuu doorashada leeyahay waa Gacan-taag, laakiin Shalay (Doraad) kaadhadhkii waxa lagu ridayey Kartoon.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.