MAANSOOR MA MARINKII QASAA: Dhacdooyinkii Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE?

Hargeysa (Aftahannews) – Shirkii Shanaad ee Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka KULMIYE oo Shalay lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu doortay Musharraxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga uga qayb-galaya doorashada Madaxtooyada ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo 17-ka bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka haddii Allaah yidhaahdo.

Shirka

Furitaanka Shirkaas oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla-markaana ay ka soo xaadireen 365 ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas waxa Musharraxa Madaxwaynaha loogu doortay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay codeeyeen 344 xubnaha Golaha dhexe ah, halka Madaxweyne ku-xigeenkiisana loo doortay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadda xilka haya waxaana u codeeyay 230 Xubnood. Laakiin Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo la Musharraxa Madaxwayne ku-xigeenka kula tartamayey Saylici ayaa helay 114 xubnood.

Musharraxa Madaxwaynaha ee loo doortay Xisbiga KULMIYE oo aanay cidna kula tartamin doorashada ka dib markii ay qaadaceen Musharraxiintii kala ahaa Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa waxa diiday 14 Xubnood waxaana ka aamusay 7 Xubnood.

 Jawiga Shirka.

Shirkan Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu qabtey hoolka ugu weyn Hoolalka Huteelka Maansoor isla-markaana si aad u qurux badan loo diyaariyey, waxa la dhigay kuraas tiradooda lagu sargooyey tirada Xubnaha Golaha dhexe iyo Marti-sharafta ka qayb-gashay si looga fogaado khaladaad dhanka Maamulka doorashada ah. Halka ugu horeysa ee u xigta Barxadda Madaxdu ka hadasho waxa la dhigay kuraas gaar ah oo loogu talo-galay Madaxwaynaha, Wasiirrada, Marwooyinka Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka iyo hal-doorka kale ee Xukuumadda iyo Xisbiga, halka kuraasta ka dambeysana mid walba lagu dhajiyey Lambar u gaar ah Xubnaha Golaha dhexe ee xubnaha tartamay kala saarayey.

Laakiin, intaan Kaamboolka huteelka loo gudbin waxa albaabka dibadda qof kasta lagu waydiinayey kaadh u gaar ahaa Xubnaha Golaha dhexe, Marti-sharafta, hawl-wadeennada Shirka iyo Saxaafadda, waxaana qofkii aan calaamaddaa sidan ay Ciidammo amrani ku qasbayeen inuu dib u raaco waddadii uu hore u soo maray.

Hasa-yeeshee qof kasta oo ay u suurto-gasho inuu ka soo gudbo albaabka dibadda ee Huteelka mar labaad lagu baadhayey inta u dhaxeysa Hoolka shirka lagu qabtey iyo Albaabka dibadda ee Huteelka si loo hubiyo cidda ammaan-daro ku kici karta ama Shirka ka dhex samayn karta wax aan loo baahnayn. Balse baadhitaanka ugu adag waxa Xubnaha Golaha dhexe, Marti-sharafta, Saxaafadda iyo dad kale ee muhiimka ahi ku marayeen albaabka hoolka Shirku ka dhacay oo ay labadiisa albaabba iyo barxaddiisa dibadda hor-tubnaayeen Ciidammo ay ugu dhaqdhaqaaq badnaayeen kuwa loo yaqaanno RRU-da, Ciidammada ka hor-taga rabshadaha iyo weliba kuwo ilaalada Madaxtooyada. Ciidammadan ayaa qof kasta (Masuul ama Rayid) ka uu yahayba aan kaadhka aqoonsiga la’aantii gudaha hoolka u fasaxeyn.

Ciidammada ayaa qofku marka uu kaadhkiisa tuso kor ilaa hoos jidhkiiisa ku baadhayey Qalabka sheega walxaha Qarxa iyo gacmahaba, “Walaal waxay ku qaylinaysaa oo ay sheegaysaa waa Xanjadan yar wax kale ma sito oo wa kuwaa jeebabkaygu madhane..” Sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah dadkii maray baadhitaankaa adag ee lagu samaynayey dadkii ka qayb-galay Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ka dib markii Qalabka sheega Walxaha Qarxa ay ku Qayliyeen midhadh Xanjada la Calashado ah oo jeebkiisa ku jirtay.

Inkasta oo Ciidammada ammaanka ee gudaha Dayrka Huteelka dadka ku baadhayey dedaalayeen, haddana Baadhitaanka adag ee dhowrka meelood lagu marayey waxay keentay in Shirku muddo Saacad ka badan dib uga dhaco xilligii qorshuhu ahaa in la qabto.

 Gudaha Hoolka Maxaa ka socday intii Shirku furmin. ?

Markaad ka gudubto baadhitaannada adag ee Ciidammadu dadka ku samaynayeen ee aad gasho gudaha hoolka Shirku ka dhacayey waxa markaaba indhahaagu qabanayeen Ciidammo boolis ah oo tiradoodu ku dhawayd 20 oo si siman ugu fadhiya kuraas loo dhigay Safka ugu dambeeya ee dadka Shirka ka qayb-galay, kuwaas oo si wada jir ah isha ula raacayey hadba qofka soo gela hoolka marmarka qaarkoodna dibadda u tuurayey qofka lagu amro inay hoolka ka saaraan, halka Ciidammada ilaalada Madaxtooyada oo si aad ah u hubeysanna ay mid mid u taagnaayeen daaqadaha hoolka iyo Barxadda u dhaxeysa halka Madaxwaynuhu fadhiyo iyo halka Saxaafaddu taagnayd ee ay ka duubayeen dhacdooyinka Shirka, waxayna muujiyeen ad-adeyg Saxaafadda u suurto-galin waayey inay la socdaan olole uu Musharrax Saleebaan Xaglo-toosiye waday intii aanu Shirku furmin, maadaama oo Laamaha  Warbaahinta ee halkaa ku sugnaa u baahnaayeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Musharraxa oo hadba qof, laba ama koox meel gaar ah la istaagayey si uu uga codsado inay codkooda siiyaan.

Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Musharraxa Madaxwayne ku-xigeenka kula tartamayey Cabdiraxmaan Saylici, ayaa intii aanu Shirku furmin dhowr dibadda uga baxay hoolka taas oo keenaysay in dadkii Madasha joogay iswaydiiyaan Su’aalo badan oo ay ka mid ahaayeen, “Dr. Xaglo-toosiye miyuu cadhooday waaka dibadda u baxay’e..”. Laakiin Cabdiraxmaan Saylici oo dhinac fadhiyey Madaxwayne Siilaanyo ayaa la dareemayey inuu dhibsanayo ololaha dhiggiisu ku jiray, waxaana marmarka qaarkood la arkayey isaga oo gacanta ku haya dhabanka.

Bilowgii Shirka iyo Codkii loo qaadey Muuse Biixi Cabdi

Shirka oo lagu furey Aayado Qur’aan ah oo uu akhriyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ka dib, waxa Makarafoonka qaatey oo bilaabay hagidda Shirka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi waxaanu markiiba iclaamiyey in la dooranayo hoggaanka Golaha dhexe isaga oo ku taliyey in la soo celiyo hoggaankii hore ee uu Guddoomiyaha u ahaa Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), balse doorashada ka hor waxa uu Xubnaha Golaha dhexe waydiiyey inay jirto la tartamaysa Guddoomiyaha Golaha dhexe ?, markaas ayuu gacanta taagey nin Magaciisa ku sheegay Siciid isla-markaana tilmaamay inuu ka soo jeedo Gobolka Awdal. Markii Siciid loo dhiibay Makarafoonka si uu Shirka uga dhex sheego waxa uu ku tartamayo ayuu ku bilaabay, “Waxaan ku tartamayaa Guddoomiyaha Golaha dhexe” markii uu sidaa yidhi ayaa loo sacabiyey, balse weedhihii ka dambeeyay hadalkiisaa hore ayuu ku yidhi, “Waxaan ku tartamayaa Guddoomiye ku-xigeenka” taas ayaa keentay in dhammaan dadkii Shirka joogay mar kaliya ku wada qoslaan iyaga oo u arkay inuu kaftamayo.

Hadalkaa iswaydaarka ah ee ka soo baxay Xubintaa ayaa waddada u xaadhay Jaamac Shabeel, ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha Golaha dhexe in mar kale si duuduub ah loo doorto.

Tartankii Saylici iyo Xaglo-toosiye

Markii la doortay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga oo aanay cidna kula tartamin Muuse Biixi oo ilaa Madaxwaynuhu u codeeyay, balse uu diiday Wasiirka Warfaafinta oo garab fadhiyey Madaxweynaha, waxa la guda-galay cod u qaadista Saylici iyo Dr. Xaglo-toosiye oo ku tartamayey Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka. Waxa markiiba Xubnaha Golaha dhexe laga codsaday in ciddii u codeynaysa Musharrax Saylici ay gacmaha taagaan, laakiin markii ay taageen gacmaha ayaa Muraaqibiintii Xaglo-toosiye iyo kuwii Saylici ee codadka tirinayey isku qabsadeen tirada saxda ah ee loo gudbinayo Shir-guddoonka, waxaana isku qabsigaasi horseeday in la beddelo habka codeynta isla-markaana loo beddelo in Xubnaha Golaha dhexe ee labada Musharrax u kala codeeyay laga soo ururiyo kaadhadhka Xubinnimada Golaha dhexe oo dadweynaha hortooda mid mid loogu tiriyo.

Gabogabo.

Inkasta oo Huteelka Shirku ka dhacay iyo daafahiisaba loo ekaysiiyey Mariinka Qasa oo la dhoobay boqollaal Ciidammo ah iyo gaadiidka Tiknikada ah haddana Shirku wuxuu u dhacay si ka qurux badan sidii ay saadaalinayeen Musharraxiintii cadhada kaga maqnaaday.

Cabdiqaadir Aadan Carab