Madaxweyne Siilaanyo Muxuu ka yidhi Go’aanka Xaglo-toosiye oo uu Saylici Uga Codeeyey Shirkii KULMIYE?

SIILAANYO IYO XAGLO-TOOSIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay go’aankii uu qaatay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ka dib markii uu Hambalyeeyey Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE loo doortay, jagadaas oo uu kula tartamay Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici.

SIILAANYO IYO XAGLO-TOOSIYE
Siilaanyo, Saylici iyo Xaglo-toosiye

Madaxweyne Siilaanyo, ayaan u Codayn Musharrax Xaglo-toosiye, balse u codeeyey Musharrax Saylici doorashada gacan-taagga ahayd ee Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo shalay ka furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaanu arrintan Siilaanyo kaga hadlay khudbad uu Arbacadii Maanta ka jeediyey xidhitaankii Shirkaas.

Haddaba, sida uu uga hadlay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo go’aanka Saleebaan-Xaglo-toosiye ku aqbalay Natiijada iyagoo Hoggaanka Xisbiga iyo Madaxweynuhuba ka codeeyeen, isla markaana aanu Saylici oo Xaglo-toosiye marka uu hambalyeeyey ka dabahadlay xataa soo hadal-qaadin iska daa inuu hambalyeeyee, waxa uu ka yidhi Siilaanyo waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.