Reer Ceerigaabo oo Furay Jidad ay xidheen, Maayerka & Agaasimaha Cusbitaalka oo ka hadlay 9 Qof oo dhaawacmay

Ceerigaabo(Aftahannews):- Xaaladda guud ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa deggayd Maanta, ka dib markii ay halkaas Salaasadii shalay ka dheceen Rabshado sababay dhaawaca Sagaal Ruux oo shacab ah markii ay isku dhaceen Ciidammada Booliska iyo Dedwayne gedooday.

CEERIGAABO BAA

CEERIGAABO

Waxaa maanta dib loo furay waddooyinka dhex-mara magaalada Ceerigaabo oo la xidhay markii ay dadweyne cadhaysani xidheen waddooyinkaas, ka dib markii ay isku dhaceen Booliska oo doonayey inay Gurigiisa gudaha Ceerigaabo ka soo xidhaan Sarkaal ka tirsan Booliska oo la sheegay in lagu eedeeyey inuu Hub Sharci-darro ah kala soo degay Xeebaha gobolka Sanaag.

Balse kumay guulaysan Boolisku inay qabtaan Sarkaalkaas, markii ay dadweynaha Xaafadda uu deggan yahay ka gedoodeen isku-dayga Ciidanka, isla markaana Rasaas, Shiid iyo Budhadh kala hor-tageen, waxaana Rasaas nool oo Boolisku adeegsaday ku dhaawacmay Sagaal qof oo lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee Ceerigaabo.

Dadweynaha ayaa Arbacadii Maanta Gacantooda ku banneeyey Jidadka ay Salaasadii xidheen, ka dib markii ay halkaas tageen subaxnimadii shalay Maamulka dawladda Hoose ee magaalada Ceerigaabo oo dadweynaha ka codsaday inay jidka banneeyaan, isla markaana nabadgelyada iyo sharciga ilaaliyaan, iyagoo dadweynuhuna aqbalay dalabka Maamulka oo guray Qoryo iyo Dhagaxan ay jidadkaas ku jareen.

Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaaladaas Siciid Xasan Wagad iyo weliba qaar ka tirsan dadweynaha jidka xidhay shalay maantana banneeyey, ayaa Saxaafadda la hadlay, waxaanannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Warbixintan Muuqaalka ah ee hoose, Daawasho Wacan oo Wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.