Daawo Sawirrada Bilicda-san ee Gebogabada Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE

????????????????????????????????????

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo shalay Hargeysa ka furmay, ayaa Arbacadii Maanta si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey ka dib markii shalay lagu doortay Musharrixiinta jagada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xisbigaas ugu tartami doona doorashada Madaxtinnimada Somaliland oo la filayo in la qabto bisha March 2017-ka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Shirkaas oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi oo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE loo doortay iyo Madaxweye Ku-xigeen Saylici oo Ku-xigeenka Muuse Biixi loo doortay, Xubnaha Golaha dhexe iyo Masuuliyiin kala duwan, ayaa lagu soo gebogabeeyey Huteelka Maansoor oo uu maalintiisii labaad maanta ka socday. Waxaana laga jeediyey Khudbado kala duwan. Hase-ahaatee, waxaannu Bayjkeennan Aftahannews PICTURES idiinku soo gudbinaynaa Sawirrada aan idiin soo xulnay Sawirradii Shirkan oo aad ka daawan kartaan halkan hoose, adiga oo Sawir kasta oo aad rabto dhexdiisa kilig-garaynaya si aad u daawan karto isagoo weyn amaba aad ula degi karto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.