Muddaharaad Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Ceerigaabo, Sababta dhalisay & Wararkii u dambeeyey

Ceerigaabo(Aftahannews):- Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu dhintay, toddoba kalena ku dhaawacmeen Muddaharaad rabshado watay oo Salaasadii Maanta ka dhacay ka dhacay magaalada Ceerigaabo, ka dib markii ay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee magaaladaasi isku dayeen inay gurigiisa ka qabtaan Sarkaal ka isla Booliska ka tirsan oo ay ku eedeeyeen inuu Hub kala soo degay Xeebaha gobolka Sanaag dhawaan.

MUDDAHARAAD GILGILAY MAGAALADA Ceerigaabo

Booliska, ayaan ku guulaysan inay qabtaan Sarkaalkaas oo ku sugnaa Gurigiisa badhtamaha magaalada Ceerigaabo, markii ay dadweyne ka gedooday isku-dayga Boolisku doonayeen inay ku qabtaan Ninkaas, ayaa waddooyinka Ceerigaabo qaarkood xidhay, iyagoo taayirro ku gubayey Jidadka magaalada. Waxaana markaas ka dib soo galay magaalada Ciidan ka tirsan kuwa Millateriga, kuwaasoo Rasaas oodda kaga qaaday muddaharaadayaasha, waxaana halkaas ku dhaawacmay afar qof oo midkood markii dambe dhintay.

Dadka Muddaharaadkan rabshadaha watay ee khasaaraha nafeed dhaliyey sameeyey, ayaa Saxaafadda u sheegay inay diiddan yihiin oo ka gedoodsan yihiin hawlgalka Boolisku ku tegay Guriga Sarkaalkaas Booliska ka tirsan oo ay sheegeen in la wanjalayo Axmed Caddib, isla markaana aanay aqbali doonin in la dulmiyo ninkaas sida ay ku doodeen.

Sarkaalkan oo la yidhaahdo Axmed Caddib, ayaa isaguna ka hadlay hawlgalkaas Boolisku doonayey inay isaga ku qabtaan iyo dadweynaha muddaharaaday, waxaanu yidhi; “Waxaan ahay Sarkaal Boolis ah, waxaa la igu soo hujuumay oo ay Ciidanka Boolisku igu soo weerareen Gurigayga, sabab ay iigu yimaaddeenna illaa hadda ma garanayo oo aan mar ahayn oo markii saddexaad ah.”

“Dadka Shacabka ah ee aad aragtaanna waxay ka gedoodeen Maatida iyo Carruurta Gurigooda lagu soo weeraray. Waxan waxa loo samaynayaana waa in wax lagu mararo-habaabiyo, waana si wax lagu duminayo, waxaana wada waxaas oo dhan inan yar oo Taliye qaybeed ah.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Caddib.

Ciidammada kala duwan, ayaa lagu soo warramayaa inay aad u adkeeyeen ammaanka magaalada Ceerigaabo, halkaasoo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo sida la sheegay Shacab isku hubaynayaan, kuwaasoo la sheegayo inay ka soo horjeedaan kiiska la sheegay in loo haysto Sarkaalkaas Booliska ka tirsan.

Balse, Masuuliyiinta degmada Ceerigaabo iyo kuwa gobolka Sanaag iyo weliba Taliyaha Qaybta booliska gobolkaas oo aannu isku daynay inaannu ka waraysanno dhacdadan, ayaanay noo suuragelin inaannu ku helno Khadka Taleefanka gacanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.