Qaramada Midoobay oo Shaacisay Guulo ay tilmaantay in dawladda Soomaaliya gaadhay & Halista Al-Shabaab

New York(Aftahannews):- Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka jeedinayay khudbad shir lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudbayso guul-darrooyinkii hore u soo maray, isla markaana ay u muuqato dal ka soo kabanaya dhibaatooyinkaas.

kay

Danjire Kay wuxuu xusay in is-beddelka Soomaaliya uu yahay mid si wanaagsan u socda, isla markaana dalka uu ka gudbayo sannado badan oo qalalaase dhanka ammaanka iyo siyaasadda ah uu ka jiray dhawr iyo labaatankii sannadood ee u dambeeyey. “Somalia waxay waajahaysaa dhibaatooyinka dal isku imaanaya, intii ay ka ahaan lahayd dal sii kala tagaya ama kala dhacaya.” Sidaa ayuu yidhi Nickolas Kay.

Marka laga tago in Nicholas Kay uu iftiimiyey guulihii ay Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay, haddana wuxuu xusay in sannadka soo socda ee 2016-ka uu noqon doono sannadkii go’aaminta mustaqbalka Soomaaliya. “Doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sannadka 2016-ka ee soo socda waa mid tijaabo u ah awoodda Soomaaliya uu u leeyahay inay si waddo horumarka.” Sidaa ayuu yidhi Kay, waxaanu ku baaqay in cod-bixintu noqoto mid xilligii loogu talo-galay ku dhacda, lagana qayb-geliyo dhinacyo ka badan kuwii 2012-kii ka qayb-galay.

Nicholas Kay oo wareysi siiyey Idaacadda VOA, waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Runtii ma jirto doorasho Qof iyo Cod ah oo Soomaaliya ka dhacaysa sannadka 2016-ka, dawladda Soomaaliya iyo caalamkuba hore ayay u sheegeen inaanay taasi suuro-gal noqonayn, balse haatan waxaa Soomaalida u socda wada-tashi ay ku go’aaminayaan nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii July sheegay in dalku aanu awood u lahayn inuu qabto doorahso Qof iyo Cod ah 2016-ka, laakiin ay dhici doonto doorasho ka duwan taas oo dhinacyada oo dhan ay isku raacaan.

Waxaa kale Nicholas Kay oo la weydiiyay Kay weerarrada ay Al-shabaab Muqdisho ka geysato, wuxuuna sheegay inay Al-shabaab weli awood leedahay, waxaanu yidhi; “Al-shabaab weli waxay leedahay awood ay ku geysato weerarro waxyeello geysan kara. Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay weerareen Hoteel Saxafi oo ku yaalla Muqdisho. Weerarrada noocan ah waxay dhacayeen sannadihii lasoo dhaafay, aad bayna u adag tahay in la joojinta falkan argagaxisada, haddana Al-shabaab waxaa laga saaray magaalooyin ay sannado maamulayeen.”

Mar wax laga weydiiyay Danjire Kay Diyaarad 28-kii bishan Oktoobar, dulleedka Afgooye ku dhacday, taasoo la sheegay inay u kireysnayd Qandaraaslayaal AMISOM la shaqeeya, waxaanu ku jawaabay; “Xaqiiqdii ma jirto diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo kusoo dhacday dulleedka Afgooye, waxaa jiray warar iska hor-imaanayay oo sheegaya inay dhacday diyaarad rakaab ah, annaga waxaan sameynay hawlgal, waxaanan kicinnay diyaarado Helicopter ah, mana la arg meel diyaaradi ku dhacday, sidoo kalena ma jirin cid sheegatay inay ka maqan tahay diyaarad.”

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay inaanay jirin wax maraakiib ah oo lagu afduubay xeebaha Somalia muddo saddex sano ah, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaallo badan oo ay bixiyeen waddamada caalamka ee ay Maraakiibtu kaga sugan yihiin biyaha Soomaaliya.

“Waxaan u maleynayaa in feejignaan dheeraad ah la sameeyay, waayo waxaa jira xaaladii ay ku sameysmeen kooxaha burcad-badeedda, sida uu horay u sheegay RW Somalia ee ah kallumeysiga sharci-darrada ah IWM.” ayuu yidhi Nicholas, waxaanu sheegay inay muhiim tahay dhismaha Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.