Daawo Khudbad uu jeediyey Saylici oo loo doortay Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE

CABDIRAXMAAN-SAYLICI

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo Maanta Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay Hargeysa loogu doortay Musharraxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ugu tartami doona KULMIYE doorashada Madaxtooyada ee 2017-ka loo muddeeyey inay Somaliland ka qabsoonto, ayaa ka hadlay doorashadiisa, waxaanu u mahad-naqay Madaxweyne Siilaanyo, Hoggaanka Xisbiga iyo Xubnaha Golaha dhexe ee doortay.

CABDIRAXMAAN-SAYLICI
CABDIRAXMAAN-SAYLICI

Waxaa Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo Salaasadii Maanta ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa lagu doortay Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, kuwaasoo loo doortay Gudoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay Jagada Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE, isla markaana helay cod dhan 344 ka helay Xubnaha Shirka, iyadoo aanay jirin cid jagadaas kula tartantay.

Sidoo kale, Jagada Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE, ayey ku tartameen Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo helay 144 cod iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo helay 230 cod, sidaasna waxaa Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee KULMIYE ku noqday Cabdiraxmaan-Saylici.

Madaxweyne Ku-xigeen Saylici, ayaa Khudbad ka jeediyey Shirka Shanaad ee Golaha dhexe ee KULMIYE markii la doortay ka dib, waxaanu sheegay in haddii doorashada soo socotana KULMIYE ku guulaysto wax badan ka qaban doonaan ballan-qaadyada dhiman, horumarka oo ay sii kordhin doonaan iyo dhinacyo kale.

Hadalka ama Khudbadda uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici ka jeediyey Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE markii la doortay isaga ka dib, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose, inkasta oo uu illaabay inuu u hambalyeeyo ama u mahad-celiyo Musharraxa la tartamay Xaglo-toosiye oo markii laga guulaystay haniyeeyey, isla markaana hambalyeeyey labada Musharrax-ba. Daawasho wacan oo wanaagsan Muuqaalkan Hoose:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.