Heerarka Hirdanka KULMIYE ee Hanka Jagooyinka Madaxweynaha, Ku-xigeenka & Saylici oo Godkiisa Biyo ugu galeen

Ma run baa in Wasiir Geedoole, Wasiir Abgaal, La-taliye Amaal Miisaan Saylici ku haystaan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE?

????????   MUSHARRIXIINTA JAGADA MADAXWEYNAHA EE XISBIGA KULMIYE AFTAHANNEWS SAWIRKEEDA

Hargeysa(Aftahannews):- Loollanka Kursi-doonka ee u dhexeeya Xisbiyahannada Xisbiga talada haya ee KULMIYE xubnaha ka ah, ayaa isa soo taraya tan iyo markii uu Goddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi tobanka bisha 11 November ee soo socota uu u muddeeyey qabashada Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo marar badan oo hore wakhtigiisa dib uga dhacay.

Waxa jira Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin shaaciyey inay u sharraxan yihiiin Jagada Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo kuwo aan weli shaacin oo jidka ku soo jira, balse Xisbiga dhexdiisa laga dareensan yahay ama dhaqdhaqaaqyo dadban oo haddana muuqda ku jira sida ay wararka laga helayo KULMIYE tibaaxayaan.

Sidoo kale, waxa jira Xubno iyaguna isku wada inay isu sharraxaan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye oo uu u taagan yahay markiisii labaad Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE, oo la sheegay inuu isu dhigay inaan cidi kula tartamin.

Musharraxnimada Jagada Madaxweynaha KULMIYE waxa u taagan Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), iyo Xubno kale oo lagu wado inay inta ka horraysa 10-ka bisha November ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka shaaciyaan Musharraxnimadooda.

Waxa kale oo jira inkasta oo aanay badi si rasmi ah u shaacin haddana la sheegay inay hanka Musharraxnimada Jagada Madaxweyne Ku-xigeenku ku jiro oo ay u taagan yihiin Xubno kala duwan, waxaa ugu horreeya Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo Golaha Guurtida ka tirsan oo isagu hore u shaaciyey inuu yahay Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo sidoo kale xubno aan shaacin oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof: Faarax Cilmi Geedoole, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Xuquuqda Aadamaha Amaal Axmed Miisaan, kuwaas oo la sheegay inay loollan xooggan kula jiraan Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo Booskaas la sheegay inuu damacsan yahay in loo haneeyo oo aan lagula tartamin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa tan iyo inta ka horreysa qabashada Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, inuu sii xoogaysto Loollanka iyo ololaha Xisbiga dhexdiisa ee Xubnaha doonaya inay u tartamaan Musharraxnimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee KULMIYE dhexdiisa, iyada oo la filayo in Xubnaha qaarkood tanaasuli doonaan intaan shirka la gaadhin, wadahadallo iyo isfaham saaxiibtinnimo, wax is-dhaafsasho iyo beelnimo dartood, waxaana laga cabsi qabaa in tartankaasi saamayn taban ku yeelan karo Xisbiga KULMIYE oo tan iyo wixii ka dambeeyey markii Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeen Saylici doorashada ku guulaysteen isku huursan in Qarax siyaaasadeed oo kursi-raadis ka dhex-qarxo, waloow uu KULMIYE waayo-arag u yahay arrimahaas, haddana waxa la dhawrayaa sida ay xaaladdu ku dambayso qabashada Shirkaas ka dib iyo waxa ka dhici doona Madasha Shirka loo ballansan yahay tobanka bisha soo socota.

Xigasho Wargeyska Himilo

aftahaninc@gmai.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.