Nuxurka wadahadal dhex-maray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya

Addis Ababa(Aftahannews):- Safiirka iyo Safiir Ku-xigeenka Somaliland u fadhiya magaalada Addiis ee Caasimadda dawladda Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaanay ka wadahadleen arrimaha isu-socodka labada dal iyo Ardayda wax ka barata waddankaas ee reer Somaliland.

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed uu caawa goordambe soo baxay oo uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Axmed Yusuf Cilmi(Suudi), qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo uu Afhayeen Suudi ku saxeexnaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Safiirka iyo Safiir Ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia waxay maanta Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Ethiopa kula kulmeen Agaasimaha Waaxda Afrika  ee Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha dalalka jaarka waxay ka wadahadleen. Fiisaha & Ciqaamadda Ardayda reer Somaliland ee Ethiopia wax-ka barata, ka dib markii Ethiopia go’aansatay in dib-u-eegis lagu sameeyo Ciqaamahada dadka Ajaanibka ahi ku joogaan dalka Ethoipia oo ay ku jiraan dadka Somaliland u dhashay.

2-Waxay isku afgarteen in Ardayda Somaliland ee Ethiopia deggan waxna ka barta dalkaasi ay Safaaradda Somaliland u soo gudbiyaan liiska magacyadooda si dib-u-eegis loogu sameeyo loona siiyo Ciqaamado waxbarasho.

3-Waxaana arrintaas loo xil-saaray Guddi ka koobaan labada dhinac oo kala ah Safiir Ku-xigeenka Somliland u fadhiya dalka Ethoipa iyo Agaasimaha waaxda dalalka Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia.

4-Inta ay hawshu socoto in aan la mustaafurin karin Ardayda u dhalatay dalka Somaliland ee waxbarashada u jooga waddanka Ethiopia.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.