Wasiirro illaa Boorama sii gelbiyey Prof: Axmed Ismaaciil Samatar

Boorama(Aftahannews):- Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa gelinkii dambe booqasho ku tagay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Soo-dhawayn-Prof.-Samatar-300x179

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha, Beeraha, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayey Madax-dhaqmeed, Masuuliyiin iyo dadweyne kale oo tiro badani kaga horyimaaddeen duleedka Bari ee magaalada Boorama, halkaas oo ay si diirran oo xamaasad iyo kalgacal ka muuqdo ugu soo dhaweeyeen Masuuliyiinta iyo Siyaasigaas oo toddobaadkii hore markii ku soo laabtay dalka Somaliland 22-ka sano ee uu gooni-isu-taagga haystay.

Axmed Ismaaciil Samatar oo ka warramay ujeeddada Safarkiisa waxa uu yidhi; “Waxay tahay dulucda Safarkaygani mid ku xidhan kii hore, waxanan rabaa inaan Ardayda, Xukuumadda, Ganacsatada iyo Wax-garadka kale ee Odayaasha dhaqanku ka midka yihiin inaan la sheekaysto oo aan sii xoojinno xog-is waydaarsiga iyo u tashiga dalkan sidii loo hormarin lahaa, waxanan Boorama joogi doonaa dhawr maalmood.”

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technologyada Somaliland Aadan Axmed Warsame oo ka hadlay halkaasi, ayaa yidhi; “Waxaan Prof. Samatar ku soo dhawaynaynaa gobolka Awdal, waxanan sheegayaa in booqashadiisu ay tahay mid muhuiim u ah gebi ahaanba dalka oo dhan, Prof. Samatar muddada uu joogo waxa uu kulammo la yeelan doonaa bahda Ardayda Jaamacadaha, kuwaasoo uu waayo-aragnimo iyo aqoonba la wadaagi doono. Xukuumaddu way soo dhawaynaysaa, waxanan leeyahay ku soo dhawoow gobolka Awdal.”

Sidoo kale, Wasiiru-dawlada Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa isaguna tilmaamay inay Prof. Saatar Saaxiibbo dhaw yihiin, isla markaana Safar inuu u soo raaco ay u tahay arrin farxad leh, waxaanu xusay in Prof. Samatar uu yahay Aqoonyahan reer Somaliland ah.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, Suldaan Sheekh Ibraahim Riiraash iyo Imaam Axmed Miisaan oo iyaguna ka tirsan Madaxda Dhaqanka ee gobolka Awdal, ayaa booqashada ay Boorama ku tageen Axmed Ismaaciil Samatar iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ka tirsan ee sii gelbiyey illaa Boorama ay u tahay iyaga farxad gaar ah, isla markaana ay si diirran u soo dhawaynayaan Siiyaasi Samatar iyo Masuuliyiinta illaa Boorama u sii raacay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.