Kaftan Cajiib Ah Oo Dhex-maray Laba Madaxweyne

Nairobi/Washington(Aftahannews):- Sheeko aad u xiiso badan, isla markaana soo jiidasho leh oo waqti waqtiyada ka mid ah dhex-martay Madaxweynaha hadda talada dalka Maraykanka haya ee Brack Obama iyo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki, ayaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa.

20062508002

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Mr. Obama, ayaa intii uu xilka hayay sannado ka hor wuxuu booqosho ku tegay dalka Kenya si uu Madaxda dalkaas ugal hadlo arrimo Saliid ku saabsan sida la sheegay, waxaanay ka wadahadleen arrintaas Madaxweynihii hore ee Kenya oo waqtigaas isagu Madaxweyne ka ahaa Kenya Mr. Mwai Kibaki.

Obama iyo Kibaki oo Sheekadu meel fiican u marayso ayaa sida la sheegay Korontadu ka tgtay ama Laydhku ka bakhtiyey magalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inteeda badan oo Madaxtooyadu ku jirto, Obama ayaa markii laydhku ku bakhtiyey ku tiraabay Erayadan: “Madaxweyne Kibaki waxaan idiin heystay in aad dad iyo dal horumarsan tihiine, waa maxay korontada iska tageysa?.” Kibaki oo ka xun falka dhacay baa wuxuu Masage ama Farriin qoraal ah Taleefankiisa gacanta uga diray Wasiirkiisii Korontada oo uu u sheegay inuu casilay ama xilka ka qaaday.

Hase-yeeshee, kaagaga sii daran oo sheekada qosolka lihi way soo socotaaye, Lix bilood ka dib ayuu Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo Wefti dawladdiisa ka tirsanaa oo uu hoggaaminayey Safar shaqo ku tageen magaalada Washington ee dalka Maraykanka,  isla markaana Madaxweyne Kibaki waxa uu kulan kula yeeshay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo Madaxweyne Obama xili ay Maqrib tahay.

Dabadeedna markii wadahadalkoodii siyaasiga ahaa u dhammaaday, balse ay weli wada fadhiyaan Aqalka Cad, ayuu Kibaki wuxuu arkay Dabaq (Fooq) dhan oo mugdi ah ama aan wax iftiin Koronto ahi ka baxayn ama ka shidnayn markaas, waxaanu Kibaki oo la sheegay inuu aad u faraxay uu ku yidhi Madaxweyne Obama; “Madaxweyne Obama waxaad timi waddankayga ka dibna waad I aflagaaddaysay hadda ka hor Koronto darteed, ee idinkana ma dhibaato koronto ayaad qabtaan, waa maxay meesaashaa dhan ee mugdiga ahi?”

Madaxweyne Obama oo argaxgaxsan baa wuxuu u yeedhay nin ilaaladiisa ka mid ah, isla markaana waxa uu weydiiyey Fooqa madaw ama bilaa laydhka ahi waxa uu yahay, ka dibna  waxa uu Ninkii Obama dhegta ugu sheegay oo uu yidhi; “Md. Madaxweyne meeshaa madoobi waa Safaaraddii Kenya ay halkan (Washington) ku lahayd!.” Madaxweyne Obama qosol ayuu la dhacay illaa ay indhihiisa ilmo ka timi, Kibaki oo yaabban baa yidhi; “Maxaa kugu dhacay ee aad la qosleysaa Madaxweyne?”.

Obama ayaa ku jawaabay; “Meesha aad ujeeddo (aad aragto ee madoowi) waa Safaaradda dalka Kenya ee halkan (Washington.” Waxaanay jawaabtaasi yaab iyo naxdin ku noqotay Madaxweynihii dalka Kenya ee waqtigaas Mwai Kibaki oo kaftankii uu furay isaga dib ugu soo noqday, isla markaana ku noqday af-gudhiye.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.