Fallaagada Sudanta Koonfureed oo dib u qabsadey Bor iyo Hanjabaadda Madaxweynaha Uganda

Bor(Aftahannews):- Fallaagada dalka Sudan-ta Koonfureed, ayaa sheegay inay dib u qabsadeen magaalada istaraatijiga ah ee Bor ee Galbeedka dalkaas oo labadii toddobaad ay dagaallo sokeeye oo khasaara baaxad lihi ka socday.

131112111530_congo_soldiers_512x288_bbc_nocredit

Tallaabadan ay markii labaad Fallaagadu ku qabsadeen magaalada Bor, ayaa imaanaysa saacado yar ka hor xilliga ay waddammada gobolku u qabteen dhinacyada ku daagallamaya dalkaas inay xabbadda joojiyaan.

Wareysi uu BBC-da siiyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar, waxaa uu ku sheegay in uu Wefti u dirayo Itoobiya si ay uga qeyb-qaataan wadahadalka nabadda.

Madaxweynaha Sudanta Koonfureed, ayaa hore u sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal shuruud la’aan ah. Balse waxaa uu meesha ka saaray inuu awoodda la qeybsan doono madaxweyne kuxigeenkiisii hore si loo soo afjaro dagaalka.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay sheegay in kuxigeenkiisii hore, Riek Machar, uusan xaq u lahayn inuu awood qeybsi uu ku hoggaamiyo dalka.

Maanta ayay ku egtahay xilliga ay dowladaha gobolka u qabteen labada dhinac ee ku dagaallamayo Sudanta Koonfureed inay xabbadda joojiyaan iyadoo Madaxweynaha Yugaandha uu ka digay faragelin Millateri.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Meseveni, ayaa sheegay in waddamada gobolka ay tallaabo Millateri qaadi doonaan haddii ninka hoggaaminaya fallaagada ee Riek Machar uu diido xabbad-joojin iyo wadahadal. Waxaana muuqato in beesha caalamka aanay Yugaandha iyo waddamada gobolka ka horistaagi doonin inay faragelin Millateri ku sameeyaan dalkaas.

Safiirka Faransiiska u fadhiyo Qaramada Midoobeey, Gerard Araud, ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uusan ka joojin doonin dalalka deriska la ah Koonfurta Suudaan inay ka qeybqaataan dagaalka halkaas ka socda.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in dad gaadhaya 180,000 ay ku barakaceen dagaallada labada toddobaad ka socday dalka Sudan-ta Koonfureed. Isla markaana, ay ku naf-waayeen dad ka badan Kun qof, halka ay tobbannaan kun oo kalena ku dhaawacmeen sida ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa sheegtay toddobaadkii hore.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.