Wasiirka Waxbarashada oo sheegtay in Berbera noqon doonto Magaalo Dalxiis sida Dubai oo kale haddii..

Berbera(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay haddii lagu dedaalo bilicda iyo horumarinta magaalada Berbera, isla markaana sida Madaarka magaaladaas oo kale loo ballaadhiyo Dekedda ay Berberi noqon doonto meel mustaqbalka dhaw loo soo Dalxiis-tago sida magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo kale.

ZamZam

Wasiir Samsam, waxay sidaa ku sheegtay hadal ay xalay ka jeedisay gunaanadka Munaasibaddaas Golaha Deegaanka ee Berbera ku soo bandhigeen wax-qabadkooda hal sano oo ay jireen oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Culuunta Badda ee magaalada Berbera oo ay ka qaybgaleen iyada iyo Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsani.

“Aad ayaan uga faraxsanahay wax-qabadka intaas leeg ee la qabtay saddexdii sano ee la soo dhaafay   Berbera waxay leedahay Airport-ka ugu run-way-ga weyn Afrika iyo Dekadda, hadday isla hesho waxay noqon doontaa meel loo soo dalxiiso sida Dubia oo kale.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliita Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Waxaanay Wasiirka Waxbarashada Somaliland ka hadashay dhinca Waxbarsha ee gobolka Saaxil, waxaanay tidhi; “Sannadihii hore way jirtay in Ardayda reer Berbera Imtixaanaadka keeni jirtay Derjada (D), Sannadkan 160 Arday ayaa keenaya  derjada (B) meel ay ka dhacday  dalka ma jirto Berbera mooyaane.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.