Wasiir Ku-xigeen Madaxweyne Siilaanyo ku difaacay inaan weligii musuqmaasuq lagu sheegin

Berbera(Aftahannews):- Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay inaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) weligii intii uu siyaasadda ku jiray lagu sheegin musuqmaasuq iyo waxyaabo la mid ah.

400

35129

Wasiir Ku-xigeenka amniga ee arrimaha gudaha Cabdillaahi Abokor oo xalay ka qaybgalay Munaasibad lagu qabtay magaalada Berbera oo lagu soo bandhigay wax-qabadka Golaha Deegaanka Berbera oo sannad-jirsaday, ayaa sheegay inay Berbera arradnayd wax-qabad muuqda oo laga hirgeliyo ka hor Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

“Anigu reer Berbera ayaan ahaa muddo 10 sano  ah, Berberina waa meesha uga liidata ayay ahayd 41 degmo dalkii Soomaaliya ee aynu ka midka ahaan jirnay, annaguna waxaannu ku mashquulnay wax-qabadkaas, laakiin Mucaaradkii ayaa si kale u arkay. Madaxwayne Siilaanyo weligii laguma sheegin musuqmaasuq iyo wax la mid ah intii uu Siyaasadda ku jiray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abokor.

Waxa uu Wasiir Ku-xigeen Abokor oo hadalkiisa sii wataa intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Immika waxaa socda dhismaha Xafiisyada Wasaaradaha dalka oo ka socda  gobollada dalka iyo  Caasimadda dalka oo ay ka socoto dhismoyaal loo dhisaayo Xafiisyo cusub Wasaaradda qarkood haddii uu Musmaasuq jiro xaggaya ka timi. waxaas oo lacag ah ee dalka laga hirgalinayo dhismoyaal casri ah.”

“Reer Berbera, waxaa lagu yaqaannaa Muxaafadnimo oo aniga wakhtigii aannu ololaha ku jirnay waannu ku xiiqnay reer Saaxil, immikana oo aannu Muxaafid nahayna codkiina siiya, Madaxwayne Ku-xigeenkiinna hore Axmed Yuusuf ayaa yidhaa ‘Mucaaradku waa camalu-shaydaan. Waxaan ku rejo waynahay in laydhka magaalada Berbera hoos loo dhigi doono  oo uu noqon doono 0.2.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abokor.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee hoggaaminta Siilaanyo dhalliilaa ku tilmaamaan inay tahay tii ugu musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta badnayd ee soo marta Somaliland, waxaanay sidoo kale ku sifeeyaan inay tahay Xukuumaddii ugu qabyaaladda, eexda, nin jeclaysi, cid gaara soo dhawaysashada, dulmiga iyo caddaalad-darrada badnayd Xukuumadihii kala dambeeyey ee ay Somaliland yeelato tan iyo markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay gooni-isu-taaggeeda 18-kii May 1991-kii.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.