Dadweynaha reer Hargeysa oo Cabasho xooggan ka muujiyey is-beddel nololeed oo soo food-saaray

Hargeysa(Aftahannews):- Shacabka Somaliland ee ku dhaqan Caasimadda Hargyesa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey Sicir-barar cirka isku shareeray oo saameeyey noocyada kala duwan ee Muceeshada iyo Sarrifka Doollarka oo si weyn kor ugu kacay toddobaadyadii ugu dambeeyey, wax kastana laga dhigay qaali markii Sicirka Sarrafika Doollarku kor uga kacay Suuqyada Somaliland.

Haddaba, qaar ka tirsan dadweynaha, Ganacsatada Suuqyada wax ku iibiya iyo sidoo kale Sarriflayaasha Suuqyada Hargeysa, ayuu Weriye Cismaan Axmed Cismaan oo ka tirsan Telefeshinka Star Warbixin ka diyaariyey uu kaga waraystay Sicir-bararka Quutal-daruuriga, Agabyada kale iyo kor u kaca Sarrifka Doollarka iyo qiimo-dhaca Lacagta Shilinka Somaliland iyo weliba waxa sababay ama sababta u ah.

Qaybahaa kala duwan ee Bulshada Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, waxay ka yidhaahdeen is-beddelka nolosha saamaynta ku leh, sida gaarka ahna u taabanaya nolosha dadka danyarta ah, Warbixinta uu Weriyuhu ka diyaariyey waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.