Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay rejadiisa Shirka Cadaado ee Maamul-u-samaynta Gobollada dhexe

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka ka dhoofay, isla markaana u ambabaxay waddanka Turkiga, waxaanu intii aanu Muqdisho ka bixin la sii hadlay Warbaahinta oo uu uga warramay ujeeddada shirka Maamul-u-samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya laga leeyahay iyo qodobbo kale.

xasan sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in Shirka Cadaado ka furmay Khamiistii shalay oo uu ka qaybgalay yahay mid ay rejo fiican ay ka qabaan dawlad ahaan in wax fiicani ka soo baxaan, waxaanu yidhi; “Shirka Cadaado waa mid loo dhan yahay oo ay ka qaybgalayaan Bulshada kasoo jeeda gobollada dhexe oo dhan. Waxaana kasoo bixi doona Maamul kuwa hadda dalka ka jira la mid ah.”

Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyey Odayaasha Dhaqanka ee gobollada dhexe ee Galmudug iyo Galguduud, inay sii wadaan dib-u-heshiisiinta Beelaha deegaannadaas wada dega, isagoo xusay in dhammaan Ergooyinka Shirkaas ka qeyb-galayaa ay metalayaan dadka ku nool gobolladaas oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu sheegay inuu waddanka Turkiga u tegayo hawlo Shaqo oo Qaranku leeyahay, waxaanu sheegay in marka uu u dhammaado Safarka iyo Masuuliyiinta Turkiga kulammo uu la yeelanayaa u dhammaadaan, inuu u sii gudbi doona waddanka Jordan, isagoo booqashadiisa Jordan ay tahay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Boqorka dalka Jordan.

 Madaxweyne Xasan, ayaa Khamiistii shalay furay Shirka degmada Cadaado ee maamul-u-samaynta gobollada Mudug iyo Galguduud, kaasoo khilaaf iyo caqabado siyaasadeed hadheeyeen toddobaadyadii u dambeeyey qaban-qaabadiisa, balse shalay si rasmi ah uga furmay Cadaado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.