Ciidammada Xeebaha Talyaaniga oo sheegay inay badbaadiyeen Kun Qof oo Tahriibayaal ah

Italy(Aftahannews):- Ciidammada ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxa ay sheegayaan in ku dhawaad toban kun oo Tahriibayaal ah la badbaadiyay todobaadkii tagay oo kaliya, iyaga oo isku dayayay in ay ku tahriibaan badda Meditareeniyaanka, waxaana maanta la badbaadiyay sagaal boqol oo qof.

TAHRIIBAYAAL LA BADBAADIYEY

Masiibadii ugu dambaysayna waxaa Badda ku ku dhintay in kabadan afartan tahriibayaal ah oo ku jiray safar ay Afrika kaga tageen, isla markaana ku beegsanayeen inay gaadhaan Xeebaha dalka Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan waddamada Qaaradda Yurub.

Dadka la badbaadiyey, ayaa sheegay inay dadkaas dhintay ku wada safrayeen Doon ay ka raaceen Xeebaha Liibiya oo Badda dhexdeeda ku degtay. Waxaana toddobaadkan u dambeeyey oo Cimilada Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya fiican tahay bilaabmay Safarro is-daba-joog ah oo ay Tahriibayaashu ka bilaabeen Liibiya.

Warar kalena waxay sheegayaan in Ciidammada Booliska Talyaanigu ay xidheen Koox Muslimiin Tahriibayaal ah oo ka tegay waddamada Ivory Coast, Mali iyo Senegal. Waxaa lagu eedeeyay inay Doonta ka tuureen Misiixiyiin Nigeria iyo Ghana ah ka dib markii uu qarxay dagaal ku saabsn Diimaha oo Tahriibayaasha Muslimiinta iyo Miseexiyiinta Doonta ku dhex-maray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.