Madaxweynaha oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska 24-guurada gooni-isu-taagga Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmex Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabay Guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta Xafladda Xuska 24-guurada ka soo wareegtay Maalinta gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2015-ka oo ah bisha foodda innagu soo haysan ee tan hadda socota ku xigta.

DIGITAL CAMERA

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO AFTAHANNEWS

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddiga diyaarinta iyo qaban-qaabada Xuska 18-ka May oo ah maalinta Qarannimada Somaliland, iyadoo 18-kii May sannadkii 1991-kii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay inay Somaliland gooni uga istaagtay dalkii la isku odha jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay la midawday markii ay Boqortooyada Britain calanka ka qaadatay 1960-kii shan maalmood ka dib kawdii Julay 1960-kii, maalintaas oo ay Soomaaliya-na xornimada ka qaadatay Talyaaniga.

Xubnaha Guddigan uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay oo u badan Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Masuuliyiin kale, waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, sida lagu sheegay War-Saxaafadeedkan Madaxtooyada ka soo baxay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)                                  

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                       

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                                           

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka                            

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga         

Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa                                                              

Ku:       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada                                        

Ku:       Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha                                              

Ku:       Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)                                               

Ku:       Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                                 

Ujeeddo:-  Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May:

Mudanayaal iyo Marwooyin:

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan. ALLAA MAHAD LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.