Somaliland oo Jawaab ka bixisay Baaq & Cambaarayn Midawga Yurub ugu jeediyey Fulinta Qisaasta

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay baaq iyo cambaarayn ka soo yeedhay Hawlgalka Midawga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo ay ugu soo jeediyeen inay joojiso fulinta dilalka qisaasta ah, isla markaana cambaaraynayaan lix qof oo xukunno qisaasa oo Maxkamadaha dalku ku rideen lagu fuliyey Isniintii toddobaadkan oo ku beegnayd 13-kii bishan April 2015-ka.

CALANKA SOMALILAND SOMALILAND LOGOMIDAWGA YURUB

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay tahay dawlad Sharci iyo Shuruuc ay ku dhaqanto isuna maamulaan leh, isla markaana fulinta iyo ku dhaqanka shuruucdan u degsan aanay cidna uga habranaynin, iyadoo xustay inay ixtiraam iyo wada-shaqayni ka dhaxayso Midawga Yurub, Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha iyo badi Beesha caalamkaba, haddana ay qisaastu tahay wax sharci ah oo ciddii mutaysata lagu fulinayo.

“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka Xubnaha ka ah Ururkaas, waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen Masuuliyiinta Somaliland ee Xabsiga Ammaanka badan ee Mandheera in badan ka dib markii ay iska daayeen fulintaas Maamulku.

Guud ahaan, falkani aan la filayni wuxuu  dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo hor-jeedaa Ciqaabta dilka, waxaanay u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah Xuquuqda iyo Sharafta Aadamaha.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo hor-jeedaan Xabaalaha la qoday sagaal  sano ka dib markii la  joojiyay dilalka Ciqaabta ah oo ay Somaliland aqbashay joojintiisa, waxaanay ku adkaynayaan Masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda  dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhaysaa Masuuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ah u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horrayso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka ah. Midowga Yurub waxay rejaynayaan inay Masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintani.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Arbacadii Shalay.

Qoraal jawaab ah oo uu soo saaray Khamiistii maanta Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayuu kaga hadlay Baaqa shalay ka soo baxay Xafiiska hawlgalka Midawga Yurub iyo dalalka Xubnaha ka ah ee Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayuu kaga hadlay mawqifka dawladda Somaliland ka taagan tahay Baaqa iyo Cambaaraynta Midawga Yurub.

Waxa uu Wasiirka Caddaaladda Somaliland Qoraalka uu maanta soo saaray oo ku qornaa Luuqadda Ingiriisida oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, turjunkiisa Soomaaliga ahi u dhignaa sidatan:- “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa.

Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyeyna ma jirto, immikana lama joojinayo oo dalku sharci ayuu leeyahay, sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku leeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan.

Dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu Qaranka ku yahay, fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen fulintii qisaastaas lixda qof.” Sidaa ayuu qoraalkiisa jawaabta ah ku yidhi Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.