Madaxtooyada iyo DPWorld: Saxeexa Heshiiska Dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera & Walaaca Shacabka

DEKEDDA BERBERA OO LA KORMEERAYO

Hargeysa(Aftahannews):- Iyadoo horeba ay u jireen wadahadalo la xidhiidha dekeda Berbera oo ay xukuumaddu la lahayd shirkado kala duwan, ayaa waxa haatan isa soo taraya warar sheegaya in madaxtooyadu heshiis la galayso shirkadda DPWORLD, isla markaana la filayo inay labada dhinac ku kulmaan Imaaraadka Carabta.

DEKEDDA BERBERADDD

BERBERA DEKEDDA

Siday sheegeen warar uu Wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay, waxa lagu wadaa inay khamiista u duullaan Dubai wefti ka socda xukuumadda Somaliland, kaasoo uu hogaamin doono wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim, isla markaana ay ku wehelin doonaan wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi iyo wiilka uu sodoga u yahay madaxweynuhu Baashe Cawil, oo xogahani ay tibaaxeen inuu yahay buddhigaha hawsha loo socdo.

Wararka laga soo xigtay illahaasi waxay intaa raaciyeen, in hawsha ugu muhiimsan ee weftigu u tegayaa ay tahay saxeexa heshiis ay la gelayaan shirkada DPWORLD oo loogu wareejin doono dekedda Berbera, isla markaana waxa la sheegay inuu hore u jiray isfaham ay labada dhinac u gaadheen, oo la filayo inuu yahay ka uu daba socdo heshiiskan xoguhu tibaaxeen in saxeexiisa loo tegayo. Inkastoo xoguhu sidaa tibaaxeen, haddana ma jiraan warar dhinaca xukuumadda ka soo baxay oo arrintaa ku saabsani.

Shirkadda DPWORLD ka sokow, waxa jiray shirkado kale sidda Bollore oo kaambayn ugu jirtay la wareegida dekedda Berbera. Dhinaca kale dareenka dadka guud ahaan ayaa muujinaya diidmo ka dhan ah wareejinta dekedda, isla markaana waxa hore uga dhacay Berbera banaanbaxyo lagu diidan yahay barnaamijkaa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 28-ka bishii March 2015-ka Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlamaan iyo Guurtidu yeesheen ku sheegay inaanay jirin cid Xukuumaddiisa uga lexejeclo badan Dekedda Berbera aanay jirin, sidaa awgeedna ay Shirkado dhawra oo ajaanib ah wadahadallo u socdaan, balse aanay jirin heshiis ay Xukuumaddiisu cid la gashay oo lagu wareejiyey Maamulka Dekedda Berbera, hase-yeeshee uu rejaynayo qiimaynta wadahadallada shirkadaha u socdaa ay guul ku dhammaan doonaan.

Xigasho Wargeyska Ogaal.