Doontii 3-aad ee Sidda Qaxoonti 3 dal u kala dhashay oo Berbera soo gaadhay iyo Guddoomiyaha Saaxil oo ka War-bixiyey Tirada guud

Berbera(Aftahannews):- Shixnaddii saddexaad ee ah Qaxoonti ka soo barakacay dagaallada ka socda waddanfka Yemen, ayaa habeen-hore soo gaadhay Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, kuwaasoo tiradoodu ahayd 142 Qof oo isugu jira dad u dhashay Somaliland, Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana la socday Doon ay ka soo raaceen Xeebaha Yemen, kuwaasoo nabad-qab ku soo gaadhay Berbera, waloow ay dad jilicsaniba ku jireen.

QAXOONTIGA YEMEN EE BERBERA YIMI

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Xalay Cabdifataax Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsani wax kaga weydiiyey sida ay u qaabbileen Qaxoontigaas soo gaadhay Dekedda Berbera, ayaa sheegay inay Maamul gobol iyo degmo ahaan iyo weliba dawladda oo ay garab-taagan yihiin Hay’ado caalami ahi u diyaar-garoobeen sidii ay si fiican ugu qaabbili lahaayeen dadka Qaxoontiga ah ee ka soo barakacaya waddanka aynu dhinaca Biyaha Jaarka ka nahay ee Yemen.

Waxa 142 qof ee Qaxoontiga ah ee habeen-hore soo gaadhay Berbera ka horreeyey oo iyaguna hore u soo gaadhay Dekedda Berbera laba Doonyood oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo xidhay Dekedda Berbera, isla markaana tii ugu horreysay sidday 35 qof, halka ay tii labaadna sidday 235 qof oo dhammaantood ka soo barakacay magaalooyinka dalka Yemen ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay tirada guud ee Qaxoontiga illaa hadda soo gaadhay Somaliland ee Yemen ka soo qaxay noqonaysaa 412 qof oo isugu jira Muwaaddiniin u dhashay Yemen, Somaliland iyo Soomaaliya, ha ugu badnaadeen Muwaaddiniinta Somaliland u dhashaye, sida uu Wargeyska Himilo u caddeeyey Guddoomiyaha gobolka Saaxil

“Xalay (habeen-hore) 8:30 cawaysnimo, ayey soo gaadheen Dekedda Berbera dadkaasi oo tiradoodu ahayd 142 qof, Doon bay la socdeen, waxay isugu jiraan Somaliland dad u dhashay, Soomaaliya iyo dhawr qoys oo Yemen u dhashay. Intii tegaysay Garoowe iyo Xamar, Hargeysa ayaannu u dirnay oo UNHCR baa diyaaradda saaraysa. 83 qoys baa ku hadhay Berbera oo weli jooga, dadka reer Somaliland qofba meesha uu doono ayuu tegay oo in badan oo ka mid ahayd way is-dabbareen, qaar eheladoodii ayaa halkan ugu timi, qaarna weli way joogaan. Xeryaha aannu u diyaarinnay waa nasiimo, si caafimaadkooda loogu baadho oo loogu nasiyo maalmaha hore.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Fahmi oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey Qaxoontigaas.

Waxaanu Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Doon kale ayaannu filaynaa oo illaa laba Boqol oo qof siddaa inay Dekedda Berbera soo gaadho maalmaha soo socda ee toddobaadkan, kollay haddaanay dagaalladu is-taagin dadka soo qaxayaa cidday doonaan ha noqdee tiradoodu way badanaysaa, laakiin hadda Doon taa illaa labada boqol ee qof sidda ayaa soo baxday sida naloo sheegay, taasoo aannu diyaar u nahay sidii aannu u qaabbili lahayn.”

Mar uu Guddoomiyaha Saaxil ka jawaabayey ka sokow Maamulka gobol iyo degmo ahaan ka sokow inay jiraan Hay’ado caalami ah oo qaabbilaya Qaxoontiga ay ku soo dhaweeyeen Dekedda Berbera, waxa uu yidhi; “Haa Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba way ka hawlgalayaan, Hay’adaha Bisha Cas, UNCHR, ILO iyo kuwo kale, ayaa hawsha ku jira oo qaabbilaya qaxoontiga. Maamul gobol iyo degmo ahaanba door weyn baan ka qaadannay, ammaankoodii, qaabbilaaddoodii iyo soo dhawayntoodii ayaannu qaadannay, inaannu Dekedda ka soo qaadno oo goobta aannu u diyaarinnay inay ku nastaan qaxoontigu ayaannu iyana qaadannay.”

“Dawladda Somaliland aad bay ugu diyaar-garawday soo dhawaynta Qaxoontiga Yemen ka imanaya, waxa iyaguna ka qayb-qaadanaya Wasaaradaha dib-u-dejinta iyo Caafimaadka Somaliland. Bisha Cas waxay siisaa Taleefanno bilaash ah oo ay eheladooda kula hadlaan dadka Qaxoontiga ahi markay halkan Berbera soo gaadhaan , qaar baa Xamar la hadlay oo Eheladoodu Dahabshiil lacago u soo dhigeen oo iyagu is-dabbaray. Markaa, dawlad iyo Hay’adaba heegan baannu halkan kaga jirnaa sidii loo qaabbili lahaa dadkaas ka soo barakacaya waddanka Yemen ee dagaalladu ka socdaan.”

Guddoomiye Fahmi oo aan weydiinnay inay jiraan goobo gaara oo Berbera looga asteeyey dejinta qoysaska aan eheladoodu kaabi karin ama qaabbili karin ee Qaxoonti ahaanta loo aqoonsanayo iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Dhawr qoys oo qoladii hore sidaas oo kale noqday oo nagu soo hadhay Hay’adda UNCHR baa soo qaadday oo Hargeysa ayay keentay, iyagaa ka masuul ah iyo Wasaaradda dib-u-dejinta oo quudintooda ka masuul ah oo Hargeysa goobo uga qorsheeyey. Laakiin, goobahaa nasinta mooyaane weli nalama odhan Berbera Xero qaxoonti oo rasmi ah ka fura.”

Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey haddii cillado farsamo ku yimaaddaan Doonyaha Qaxoontiga sida sida ay awood ugu leeyihiin inay gurmad ugu fidin karaan Badda dhexdeeda, waxa uu yidhi; “Waxa jira qolada ilaalada Xeebaha Somaliland afar doonyood baa la bixiyaa marka ay Biyaheenna soo galaan, qolada Caafimaadka ayaa iyaguna Doonta dhexdeeda ku qaabbila oo Dawooyin siiya, markaa halkaa aad baannu uga diyaar-garawnay dawlad ahaan iyo gobol ahaan-ba.”

Xigasho Wargeyska Himilo.