Al- Shabaab oo u hanjabtay Puntland, doorashadeedana ku tilmaantay Shuqul Gaalaad

Garoowe(Aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya,ayaa shicibka reer Puntland ugu hanjabtay inay ka digtoonaadaan ka qayb qaadashada doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka Puntland,taasoo lagu soo dooran doono hoggaanka maamul goboleedka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Kooxda Al-Shabaab ,ayaa sheegtay in doorashada laga filayo Isimada deegaankaasi inay ku soo xulaan baarlamaankii dooran  lahaa Madaxweyne iyo kuxigeen,in ay tahay shay shareecada Islaamka xaaraan ah oo aan loo baahnayn isla markaana ay kooxda Al-Shabaab dagaal ka xigto oo ay la dagaalamayaan illaa inta lagu dhaqmayo shareecada Islaamka guud  ahaan dalka Soomaaliya

   Sheekh Jaamac Cabdisalaan oo  ka mid ah hor jogayaasha kooxda Al-Shabaab,ayaa intaa ku daray in doorashada Puntland laga abaabulayaa ay tahay wax aan dan u ahayn dadka deegaanka isla markaana lagu dhaqmayo Dastuur .

“Doorashada Puntland laga sugayaa waa wax aan banaanayn oo baadil ah,waxaana wata gaalo oo waxaa lagu dhaqmayaa waxay ugu yeedheen Dastuur kaasinama aha wax aanu annagu ogolnahay ama aanu yeelayno in dalka lagu dhaqo,illa inta  lagu dhaqmayo Kitaabka ILLAAHAY waanu la dagaalamaynaa.” Ayuu yidhi Sheekh Jaamac Cabdisalaan  waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlayay waxay ka yeelayaan doorashada Puntland.

“Waanu la dagaalamaynaa doorasho kasta oo ka dhacda iyo cidda  ku soo baxdaba shicibka Puntland-na waxaan uga digaynaa inay ku lug yeeshaan doorashadaas.”

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland