Muddaharaad Dhimasho Sababay oo Burco Gil-gilay iyo Rasaas Wali Dhacaysa

Burco(Aftahannews.com):- Muddaharaad rabshado wata oo saaka ka bilaabmay magaalada Burco Xarunta gobolka Togdheer,ayaa sababay illaa hadda inta la og yahay dhimashada hal qof tiro kalena way ku dhaawacantay .

Muddaharaadkan saaka  ka bilaabmay magaalada Burco,ayay mudaharaadayaashu kaga soo hor jeedeen bedel lagu sameeyay taliyihii qaybta booliska gobolka Togdheer Axmed Xasan C/raxmaan (Ilkacase), oo uu taliyaha boolisku dorraad bedelaad ku sameeyay.

Muddaharaadka saaka Burco ka bilaabmay oo ay dadwaynaha muddaharaaday iyo boolisku iskaga hor yimaadeen isla markaana isku rogay rabshado gacan ka hadal ah,ayaa la sheegay in hal qof ku dhintay isla markaana ay jiraan tiro kale oo dhaawac ah.

Muddaharaadkan oo gil gilay magaalada Burco ayaa sababay in dhammaan goobaha ganacsiga la xidho iyadoo muddaharaadayaashu ay taayiro ku gubeen jidadka waaweyn ee magaalada Burco isla markaana uu is  taagay dhammaanba isku socodkii gaadiidku.

Wararka aanu ka helaynno wariyeyaasha Aftahannews.com ee magaalada Burco,ayaa sheegaya in xaaladu wali kacsan tahay meelaha qaarna laga maqlayo rasaas goo goos ah in kastoo uu muddaharaadayaasha iyo ciidanka booliska soo kala dhex galay ciidanka Qaranka qaybta 12.aad ee magaalada Burco oo ay xaaladda degenaan ku soo celiyeen inteeda badan

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland