Koonfurta Kuuriya oo kordhinaysa cududeeda Millatari ee xeebaha Soomaaliya

Seuol(Aftahannews):- Dawladda Koonfurta Kuuriya,ayaa kordhinaysa cududeeda Millatari ee ka joogta xeebaha badda  Soomaaliya si ay kor ugu qaadaan dagaalka lagula jiro budhcad-badeedda Soomaalida ee ka u gaardhasa biyaha badwynta caalamiga ah iyo guhada xeehaba Soomaaliya oo dhufays u noqday budhcad-badeed uu caalamku dagaal kula jiro.

Guddiga amaanka ee baarlamaanka wadanka Koofurta Kuuriya ,ayaa meel mariyay qaraar dhigaya in la kordhiyo tirada ciidammadda ka jooga xeebaha Soomaaliya iyadoo waqtigana loo kordhiyay.

Fadhi ay gudigani ku yeesheen magaalada Seuol ee caasimada u ah wadanka Kuuriyada Koofureed, ayaa waxay ku sheegeen in la anssixiyay in ciidammo hor leh loo soo diro xeebaha Soomaaliya kuwaasoo la dagaalami doona budhcad-badeedda Soomaalida waxaanay ku biirayaan ciidammadda dawladaas ka jooga biyaha Soomaaliya.
Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 130, ayaa waxaa uu dhigayaa in ciidammo si gaar ah u tababaran loo soo diro badaha Soomaaliya waxaana sidoo kale guddigani ay meel mariyeen waqtiga ciidamadaas biyaha Soomaaliya ka howlgali doonaan oo la gaadhsiiyay dabayaaqada sanadka soo socda ee 2014,ka
Gudiga ammaanka ee baarlamaanka Koofur Kuuriya ayaa sidoo kale ansixiyay ciidammo kale oo loo diro wadamada Afghanistan iyo isku tagga Imaaraatka Carabta.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland