Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya oo sadex meelood loo qaybsaday soo xulistooda

Muqdisho(Aftahannews):-Golaha Wasiirada  ee xukuumadda  Cabdiwali Sheekh Axmed Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya,ayaa la sheegay in loo qaybsaday soo xulistooda sadex meelood oo siman isla markaana ay kala qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha cusub.

Sadexda masuul ee ugu sarreeya Dawladda Soomaaliya,ayaa la sheegay inay si siman u qaybsadeen soo xulistooda xubnaha golaha wasiiradda Soomaaliya isla markaana masuul kastaaba uu keensan doono  shaqsiyaadka uu doonayo inay uga mid noqdaan  golaha wasiirada ee cusub isla markaana loo soo gudbin doono magacyadooda Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed labada qaybood ee kale ee ay soo xumashaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku.

Kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa,Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha cusub,oo maanta ku qabsoomay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,ayay masuuliyiinta ugu sarraysa Dawladda Soomaaliya isla qaateen in golaha Wasiirada ee la sugayo ku dhawaaqidooda in Guddoomiya Baarlaanka iyo kuxigeenkiisu soo magacaabaan qaybta tiro ahaan ku soo hagaagaysa  marka sadex meelood loo qaybsado isal markaana ay dhakhso u soo xulaan uguna soo gudbiyaan Raysal-wasaaraha  oo ku dhawaaqidooda isagu xaq u leh shaacinna doona,halka Madaxweynuhuna uu sheegay inuu qaybtiisa siiba xushay isla markaana uu liiskooda oo diyaar ah u gudbin doono Raysal-wasaaraha.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya,ayaa intaa ku daraya in Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu dhankiisa codsaday in laba illaa sadex cisho laga war sugo qaybahaan wasiirada uu magacaabayo isagoo ka codsaday Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in isna loot ix galiyo liiska uu dhankiisa kala yimaaddo.

Tallaabadan,ayaa haday rumawdo waxay dhaawacaysaa sii hannaanka Dawladnimo ee Soomaaliya,waxaana golaha Xukuumadda isugu iman doona oo ka wada tirsanaan doona dad kala hadaf iyo kala aragti ah oo meelo kala duwan ka haysta kalsoonida  ay kursiga ku yimaadeen,taasoo ka hor istaagaysa Raysal-wasaare Cabdiwai Sheekh Axmed inuu la xisaabtamo shaqsiyaadka aanu keenin isagu ee rabitaanka Madaxweynaha ama Gudoomiyaha Baarlamaanka wasiirnimada ku helay.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland