Tareennada ugu khatarta badan Caalamka iyo Dadka ay maalin kasta galaaftaan

Hargeysa(Aftahannews):- Tareennada ugu khatarta badan caalamka, ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ka dhex shaqeeya magaalooyinka dalka Hindiya, kuwaasoo galaafta maalin kasta Nafaha boqollaal qof oo ku dhinta.

TAREEN1

tareen2

Tareennada u kala goosha gobollada kala duwan ee gudaha dalka Hindiya ee taga, ayaa waxa raaca oo iska buux-dhaafiya dadka gobollada u shaqo-tagaya, kuwaasoo naftooda ku biimeeya inay Tareennka jambiyada iska lulaan, iyagoo ka cabsi qaba haddii ay Basaska raacaan inay shaqada ka habsaamaan.

Marka Tareennada gudohooda loogu talo-galay inay dadku fuulaan buuxsamaan, ayay dacallada ama hareeraha Tareenka, guudkiisa, afkiisa iyo dabadiisa is-dul-buuxsamaan, kuwaasoo la sheegay inay dawladdu xakamayn kari wayday, isla markaana halis badan ay kala kulmaan haddii shil ku yimaaddo tareennada oo ay ku dhintaan bilkasta kumannaan qof qaabka noocan ah.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland