Qodobbada La isla-qaatay, kuwa laga saaray Ajandaha ee ay Dhinacyadu kala wateen iyo Guddoomiyaha Akaademiyadda oo ka warramay

“Dood dheer, falanqayn iyo lafa-gur maalmo socday ka dib isfaham iyo wax isla eegis baa ka soo baxday, waana guul inay Xisbiyadii Qaranka iyo weliba Xukuumadda oo kala aragti duwanaa ay maanta ku midaysan yihiin hal aragti..” Waraysi Gaar Ah: Guddoomiyaha Akaademiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi

Hareysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Akaademyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha illaa hadda la isla meel-dhigay ee Ajandaha u noqonaya Shirka Doodda Qaran ee ay Xisbiyada Qaranku shalay heshiiska ku gaadheen inay wada-jir u qabtaan oo ay Akaademiga u xil-saareen.

fffff

KULANKA XISBIYADA 2

Maxamed Faarax Xirsi oo xalay Khadka taleefanka xog-waraysi kooban uu kula yeeshay Tifaftiraha Wargeyska Somalilandtoday Cabdifataax I. Mursal oo sidoo kalena ah Tifaftiraha Aftahannews, ayaa ka warramay qaabka ay Akaademi ahaan u galeen hawsha, isla markaana isugu soo dhaweeyeen labada Xisbi Mucaarid oo isku dhinac ah iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah, isla markaana si weyn ugu kala aragti duwanaa qabashada Shirka Doodda Qaran oo ay labada Xisbi Mucaarid ku baaqeen, qaban-qaabadiisana bilaabeen, Xukuumadda iyo Xisibga KULMIYE-na ku gacan-saydheen.

“Walaal heshiiskan iyo is-fahamkan ay Xisbiyada Qaranku maanta (Shalay) gaadheen waa guul, waxa weeye Xisbiyada Mucaaridka ahi waxay hore ugu baaqeen inay shir Dood Qaran ah qabanayaan, Xukuumadda iyo KULMIYE-na waxay qabeen aragti taa ka duwan, markaa markii muranku kordhay waxa la sameeyey sidii xal loo heli lahaa. Markaa, shirar maalmihii u dambeeyey-ba socday waxa la iskula gartay in dood Qaran loo baahan yahay, ka dibna waxa la is-weydiiyey yaa dhex-dhexaad ah ee lagu aammini karaa hawshaa heerka Qaran ah, dabadeedna waxa la isla gartay in ciddaa dhex-dhexaadka ahi tahay Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta oo taariikh fiican oo xidhiidhsan ku leh dhex-dhexaadinta hawlaha Qaranka.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi.

Maxamed Faarax waxa uu sheegay in Akaademiga nabadda iyo horumarintu xidhiidh dhaw iyo wada-shaqayn fiican la leedahay Xisbiyada Qaranka iyo Hay’adaha dawliga ah, sidaa awgeed-na dhinac waliba ku qancay in Akaademigu la wareego hawsha Shirkaas iyo is-fahamsiinta Xisbiyada Qaranka iyo weliba Xukuumadda Somaliland. “Waxay dhinacyadu isla qaateen in madal dhex-dhexaad ah arrinta la geeeyo, madashii dhex-dhexaadka ahaydna waxay noqotay Akaademiga nabadda yo horumarinta Somaliland oo xidhiidh dheer iyo wada-shaqayn soo jireen ah la leh Xisbiyada Qaranka iyo qaybaha dawladda-ba, hawlo badan oo meel cakiran gaadhayna wax ka soo qababatay, markaa annagu sidaas ayaannu hawsha ku soo galnay, nalooguna xil-saaray oo dhinacyada oo dhami kalsoonida nagu siiyeen.” ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha dhawaan la doortay ee Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo ka jawaabayey, su’aal laga weydiiyey waxyaabaha ay isugu soo dhaweeyeen labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo dhinac ah iyo Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda oo dhinac ahaa, waxa uu sheegay in wadahadal dheer, lafa-gur maalmo socday iyo wax isla eegid la isugu soo dhaweeyey dhinacyada kala aragti duwanaa ee Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland. Waxaanu yidhi; “Dood dheer, falanqayn iyo lafa-gur maalmo socday ka dib isfaham iyo wax isla eegis baa ka soo baxday, waana guul inay Xisbiyadii Qaranka iyo weliba Xukuumadda oo kala aragti duwanaa ay maanta ku midaysan yihiin hal aragti oo ay wax wada doonayaan.”

Guddoomiyaha Akaademiga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qodobbada ay Mucaaridka iyo Muxaafidku ku heshiiyeen, waxa uu mar kale ku jawaabay; “Qodobbada la isla qaatay waxay kala yihiin 1- in loo baahan yahay in Dood Qaran la qabto. 2- in Kaademiga nabadda iyo horumarku la wareegto diyaarinta hawsha qabashada, cidda lagu casuumayo, waqtiga la qabanayo iyo sida loo qabanayo. 3- in Ajandaha Doodda Qaran la isla meel-dhigo. 4 iyo in Xisbiyadu isku noqdaan oo dib waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin isula eegaan.”

Maxamed Faarax oo la weydiiyey, maaddaama oo ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID waqti hore ku baaqeen Shirka Doodda Qaran, isla markaana Guddi qaban-qaabo u saareen Ajandihii ay diyaarsadeen in laga guuray, in kale iyo sida ay u aqbaleen in wax ay dhammaysteen koow laga soo bilaabo, waxa uu ku jawaabay; “Walaal way jireen Ajande ay diyaarsadeen, dhinac walibana qodobboo ayuu watay, markaa wax badan markii la isla eegay waxa la isugu yimi meel dhexe oo dhinac waliba inuu wax ka tagaa waxay qayb ka tahay isfahamka iyo isu-tanaasulka, markaa meel dhexe ayaa la isugu yimi.”

Sidoo kale, Maxamed Faarax Xirsi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey  mar hadday Akaademi ahaan iyagu hadda hawsha gacanta ku hayaan qodobbada Ajandaha Dood Qaran loogu talo-galay in lagaga hadlo, isla markaana ay dhinacyada kale ku midaysan yihiin, waxa uu yidhi; “Qodobbada sida rasmiga ah la isula qaatay ee Ajanduhu ka kooban yahay waa laba, waxaanay kala yihiin 1- Arrimaha doorashooyinka. Arrimaha doorashooyinka marka la yidhaahdana wax kooban oo fudud maaha ee qodobbo badan bay u kala baxayaan, qaybo badan oo laga hadlayo ayaa ku lammaanaanaya oo haddana doorashooyinka uun khuseeya. “

“Qodobka labaadna waxa weeye Siyaasadda arrimaha dibedda.  Qodobkan laftiisu waa sidoo kale oo wax kooban maaha ee wax badan baa hoos-tagaya, sida aqoonsi-raadinta, xidhiidhka caalamiga ah iyo kuwo kale oo badan, khayraadka iyo arrimaha deequhuna ajendaha qayb bay ka noqon karaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargeyska Somalilandtoday.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.