Daawo Sawirrada Aas Qaran oo Marxuum Xildhibaan Dhugad loogu sameeyey Qubuuraha Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Marxuum Xildhibaan Cabdillaahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si heer Qaran ah loogu aasay Qubuuraha Naasa-hablood ee Duleedka Bari-Waqooyi ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu xalay ku geeriyooday isla Hargeysa.

AASK

Waxaana Aaska Marxuumka ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, Shir-guddoonka labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Masuuliyiinta Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Siyaasiyiin, Wasiirrada Xukkuumadda, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Masuuliyiin iyo Dadweyne aad u tiro badan oo uu ka mid ahaa ninka ugu gaaban Somaliland Mr. Shucayb. Waxaanan halkan hoose ee Aftahannews Pictures idiinku soo gudbinaynaa Sawirradii Munaasibadda Aaska Marxuum Dhugad, ee ka dheeho adigoo Sawir kasta oo aad rabto dhexdiisa kilig-garaynaya si aad isagoo wayn u daawan karto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.