Puntland oo Somaliland ku eedaysay inay leedahay Hubka Markabka lagu qabtay

Puntland-(Aftahan)-Wasiirka Amniga Qaranka ee Maamul-goboleedka Puntland, oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa ku eeddeeyey Dawladda Somalilad inay leedahay Hubkan la qabtay, isla markaana ay si ay  Indhaha caalamka  jiho-habaabinayso isaga leexisay.

Maxamed Siciid  Alloore, ayaa ku doodday inay maamul ahaan hayaan caddeymo muujinaya qaabka ay hubkaa u soo iibsatay Somaliland iyo noocyada hubkaba, wuxuu intaa ku daray “waxa wada leh Maamulka Somaliland iyo Al-shabaab oo loo waday hubka” ayuu yidhi