Dhakhaatiir Suuriyaan iyo Soomaali isugu jira oo lagu dilay Duleedka Muqdisho iyo Tirada Dhaawaca

Muqdisho(Aftahannews):-  Afar Dhakhtar oo saddex dhasheen waddanka Suuriya, Mid Soomaali ah iyo laba qof oo kale, ayaa maanta lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Siinka dheer, ka dib markii ay koox hubaysani jid-gooyo u galeen.

Dakhaatiir_la_tagoogtay

Deegaanka Siinka dheer, ayaa 15 KM dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka Soomaaliya, ayay Dablay hubaysani ku dileen Afar Dhatar oo Suuriyaan ah iyo laba qof oo ilaalo u ahaa, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Muqdisho iyo deegaanka dilku ka dhacay.

Kooxo hubeysan oo watay gaadhi yar ayaa la sheegay inay toogteen Dhakhaatiirtan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Suuriyaan iyo Dhakhtar u dhashay Soomaaliya, iyadoo ay sadex qof oo kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen ilaaladii Dhakhaartiirtan iyo Dhakhtar kale oo Suuriyaan ah ay ku dhaawacmeen.

Dhakhaatiirta la dilay ee Suuriyaanka ah ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Dr. Ayman, Dr. Cabdalla iyo Dr. Cabdixamiid, halka Dhakhtarka Soomaaliga ah magiciisu yahay Dr. Cabdikariin Maxamed Shire.

Sidoo kale, kooxaha hubeysan ayaa toogasho ku dilay Darawalkii gaadhiga oo lagu magacaabi jiray, Khayre Cali Saalax iyo mid ka mid ah ilaaladooda oo la odhan jiray, Cabdiqaadir Catoosh, iyadoo Dhakhtarka Suuriyaanka ah ee la dhaawacay lagu magacaabo Dr. Maahir.

Maydka Dhakhaatiirta iyo labada ruux iyo dhaawaca Dhakhtar iyo ilaalada ayaa la geeyay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasoo haatan saddexdii qof ee dhaawacmay lagu daaweynayo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.