Saraakiil uu ku jiro Guddoomiyihii Buur-hakabo oo la dilay & Al-Shabaab oo sheegatay dilkooda

Buur-hakabo(Aftahannews):- War deg-deg ah oo soo gaadhay Shabakadda Aftahannews, ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay iyo Saraakiil la socotay lagu dilay weerar ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen iyagoo marayey meel u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

dagaal-yahano-al-shabaab-ah2

Guddoomiyaha degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiye Ku-xigeenka geesta Ammaanka Degmada Buur-hakaba Maxamed Xasan Cali Maamoow iyo sidoo kale ugu yaraan laba Sarkaal oo la socday, ayaa ku dhintay weerarkaas.

Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegtay in weerar gaadmo ah ku dileen Guddoomiyihii Degmada Buur-hakaba iyo dad kale oo la socday ka dib weerar jid-gooyo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya oo ay ku marayeen safar ay ugu kala gooshayeen magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ayay ahayd markii laba Qarax oo is-xigay ka dhaceen Makhaayad laga Qaxweeye oo ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo ay ku dhinteen dhawr iyo toban qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen illaa 30 Ruux oo isugu jiray Suxufiyiin, Siyaasiyiin iyo Saraakiil dawladeed.

Sidoo kale, waxaa dadka 11-ka qof ka badan eek u dhintay Qaraxyadaas shalay ku jiray laba Weriye, weerarkaas oo ay Kooxda Al-Shabaab inay fulisay lagu eedeeyey, waxaa maalintii xigtay ku soo beegmay weerarkan Sabtida maanta lagu khaarajiyey Guddoomiyihii Buur-hakabo iyo Saraakiisha la socday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.