Baarlamaanka Soomaaliya oo Xilka ka tuuray Raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Muqdisho(Aftahannews)- Raysal wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa codka kalsoonida ka waayey Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhigoodii sabtida maanta codka kalsoonida u qaaday Raysal wasaaraha oo shantii toddobaad ee u dambeeyey khiliaaf xooggani u dhexeeyey Madaxweynaha.

BREAKINGNEWS

153  Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyey in kalsoonida lagala noqdo Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xukuumaddiisa, isla markaana waxa u codeeyey inuu sii joogo 79, sidaas ayaanay Aqlabiyadda Mudanayaasha Baarlamaanka fadhiyey kalsoonida kagala noqdeen Raysal wasaare Cabdiweli Sheekh iyo Xukuumaddiisa oo uu hore lafteeda Kalsoonida uga waayey, waxaana natiijada codaynta ku dhawaaqay Shirguddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Warkaas oo Faahfaahsan kala soco Aftahannews iyo Wararkayaga soo socda haddii ILLAAHAY yidhaahdo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.