Suldaan Hoggaamiye-Kooxeed Noqday oo Sheegay in Beeshiisu ka goosatay Somaliland oo Buuraha Awdal galay

Awdal(Aftahannews):- Suldaan Abibbakar Cilmi Wabar oo ka mid ah Salaaddiinta Beelaha gobolka Awdal, ayaa Hoggaamiye-kooxeed noqday, isla markaana shaaca ka qaaday in isaga iyo Beeshiisu ama Beelaha Samaroon-ba ay laga bilaabo afartii bishan aynu ku jirno ee December 2014-ka ka goosteen dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii sida uu sheegay ay ka waayeen wixii ay Beel ahaan xaqa ugu lahaayeen dhinaca Saamiyada ay Golayaasha dawladdu ku dhisan yihiin.

Suldaan Abibakar oo Muuqaal iyo hadal laga soo duubay, isagoo la sheegay inuu Buuralayda deegaannada gobolka Awdal, ayaa ku dooday in keligii aanu ku ahayn go’aankan, hase-yeeshee, uu yahay go’aan ay Shacbiga iyo Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Samaroon ee dega gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee gobollada Galbeedka ee kale in ay ka goostaan Somaliland, isla markaana ay yihiin mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kalena ay xaq u leeyihiin sida beel kasta oo Soomaali ka mid ahi aayeheeda siyaasadeed uga tashanayso, Maamulna u samaysanayso.

Suldaan Wabar waxa uu sheegay inay caddaalad-darro badan iyo dhibaatooyin ka tirsanayaan dawladda Somaliland wakhtigan ka dhisan, isagoo xusay in Madaxweyne Siilaanyo waxay kala kulmeen yahay wax aanay kaga sii mid ahaan karin Somaliland, sidaa awgeedna uu ugu baaqayo dawladda Federaalka Soomaaliya inay wax la qabato oo ay kala shaqayso dhismaha Maamul-goboleed cusub oo ay ku dhawaaqi doonaan, waxaanu intaas ku daray inay si rasmi ah uga mid yihiin Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku dooday inay Xaq u dirir yihiin, isla markaana ay waxba ka qaban kari waayeen dhibaatada ay tirsanayaan, waxaanu ugu baaqay dawladaha Jabuuti iyo Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya ee Killalka Shanaad inay gacan siiyaan oo ay ogaadaan oo ay si gaar ah ula shaqeeyaan maaddaama oo ay Ood-wadaag iyo ehelba yihiin.

Haddaba, hadalka Suldaan Abiibbakar Cilmi Wabar oo aad u dheeraa, wax badanna uu kaga hadlayo waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.