Wararkii ugu dambeeyey ee Khasaare Xooggan oo ka dhashay Qaraxyo Gilgilay magaalada Baydhabo

Baydhabo(Aftahannews):- Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku dhintay 28 kalena way ku dhaawacmeen laba Qarax oo is-xigay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee Caasimadda Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.

QARAX CULUS

Qaraxyada ayaa ahaa laba Qarax oo midka hore uu ahaa qof soo xidhay Jaakeed walxaha Qarxa ku xidhanyihiin, ayaa isku qarxiyay Makhaayad ku taal badhtamaha magaalada Baydhabo, iyadoo wax yar ka dib gaadhi kale oo waxyaabaha qarxa laga soo buux-dhaafiyey uu ku qarxiyay dibedda Makhaayaddaasi oo ka mid ahayd Makhaayadaha dadweynuhu isugu yimaaddaan.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 11 qof iyo dhaawuca ugu yaraan 28 Ruux oo kale, kuwaasoo dadka dhintay ay ku jiraan 2 Weriye, halka 3 Suxufi oo kalena dhaawaca ku jiraan sida uu Xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Bay waxa uu intaas ku daray in dhaawaca iyo dhimashada ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo Saraakiil dawladeed. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in baadhitaan xooggan ay wadaan Ciidammada Ammaanka iyo Hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh arrimaha Ammaanka.

Warbixin Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-du ka diyaarisay Qaraxyadaas iyo waraysi ay la yeelatay Ia yeelatay Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Cod ahaan ee Halkan hoose ee Aftahannews/Radio ka dhegayso Warbixintaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.